Somaliland: Xaflad Xisbiga WADDANI uu Ku Soo Dhaweynaayo Bahweynta Siyaasiyiintii Isbahaysiga Dimuqraadi-doonka KULMIYE oo Hada Ka Socota Hotel Maansoor ee Hargeysa+SAWIRO

Date:

Xaflad aad u ballaadhan oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayo bahweynta siyaasiyiintii isbedel-doonka dimuqraadiyaddeed ee KULMIYE oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa hada ka socota hotel Maansoor ee Hargeysa.
Siyaasiyiintan oo hormuud u yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, wasiirkii hore ee cadaaladda, wasiirkii hore hawlaha guud iyo guryeynta, wasiirkii hore ee waxbarashada, wasiirkii hore ee biyaha, wasirkii ku xigeenkii hore ee dib-u-dejinta, wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga, wasiir ku xigeenkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta, agaasimeyaal, xildhibbaan Waabeeye oo ahaa guddoomiye u xigeenkii saddexaad ee KULMIYE, Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afraad ee KULMIYE , safiiro iyo siyaasi miisaan culus ka leh saaxadda siyaadda dalka iyo guud ahaan ba geeska Afrika.
Xafladdan oo hada bilaabmantay, ayaa waxa sida oo kale goob joog ah guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxaan M.Cabdillaahi Cirro, hoggaanada, guddia fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, ku waasi oo diyaar u ah madasha na u fadhiya siddii ay u soo dhaweyn lahaayeen siyaasiyiin iyo mas’uuliyiinta miisaanka culus leh ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI.
Inta xafladdani ay socoto, ayaa waxa lagu kala saxeexan doonaa heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac ba isla gaadheen, waxaana ay illaa hada madashu u socotaa si habsami ah oo aad u degan.

c1 c2 c3 c5 c4

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...