Horyaalada Maxaliga Ee Yurub Oo Wada Qorshe Ay Ku Qaadacayaan Tartanka Champions League.

Date:

Qiyaas Arsenal oo la ciyaareysa Manchester United kulan ka tirsan tartanka horyaalka Premier League isla maalintaas iyo weliba isla waqtigaas Real Madrid iyo Bayern Munich-na ay isla ciyaarayaan lugta labaad ee semi-finalka Champions League, iyadoo si toos ah loogu tartamayo in la qeybsado taageerayaasha telefsihinada ka daawanaya.

Waqti xaadirkaan taas laguma fekeri karo waana mustaxiil – sharciyada UEFA ayaa diidaya in kulamada horyaalka la ciyaaro isla waqtiga la ciyaarayo kulamada tartamada Yurub, laakiin waqti dhow macquul waa ay noqon kartaa.

Qaar badan oo ka mid ah horyaalada maxaliga ee Yurub ayaa isku garabsanaya inay ka soo horjeestaan isbedelada lagu sameynayo Champions League wixii ka bilowda xilli ciyaareedka 2018-19 iyadoo horyaalada waa weyn boosaskooda afarta ah loo xaqiijiyay, waxaana ay qorsheynayaan inay qaadacaan tartanka. Sidee? Iyagoo kulamada maxaliga ee horyaaladooda ciyaaraya isla waqtiga la ciyaarayo Champions League sida lagu sheegay warbaahinta UK.

Qorshahaan looga soo horjeeda Champions League waxa looga arinsan doonaa kulan ay yeelan doonaan xiriirka horyaalada Yurub (EPFL) oo lagu qabanayo magaalada Zurich 21ka bisha October.

Inkastoo ay qorshahaan wadaan horyaalada heerka hoose ee Yurub hadana horyaalada waa weyn ayaa ka faa’ideysan kara kuwaasoo aan iyagaba la dhacsaneyn sida ay wax u wado UEFA waxaana ay kulamada horyaalkooda ku aadi karaan waqtiga la ciyaarayo Champions League.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...