Somaliland: Siyaasiyiintii Isbahaysiga KULMIYE Oo Si Rasmiya Ula Midoobay Xisbiga WADANI Iyo Nuxurka Heshiiskooda.

Date:

Siyaasiyiinta Isbaahaysiga KULMIYE ayaa si rasmiya ugu biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI. Shirar muddo dheer u socday labada dhinac ayaa maanta soo gebo gaboobmay, waxaanay labada dhinac ka heshiiyeen mabadiidi iyo saami qaybsigii Xisbiga.

Xisbiga WADANI ayaa kuras tiro badan wuxuu ka siiyay Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE, golaha dhexe, guddida fulinta iyo xubnaha hoggaanka Xisbiga.

Sidoo kale waxaa qaab dhismeedka Xisbiga WADANI laga dhigay, Guddoomiyaha Xisbiga, oo ah Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga oo noqday Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Murashaxa Xisbiga oo noqday Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) kuwaas oo laga ansixin doono shirka Golaha dhexe ee Xisbiga WADANI oo wiigan la qabanaayo, geesta kale waxay labada dhinac kala saxeexan doonaan qodobo mabaadii ah oo ay Isbaahaysigu aamin sanayeen kuwaas oo ay kula heshiiyeen Xisbiga WADANI.

Munaasibada midawga Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE iyo WADANI ku midoobayaan ayaa la qabanayaa maalinta Axadda ah ee inagu soo fool leh.

Xubnaha Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE ayaa miisan weyn ku leh bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan waxaana la filayaa inay wax weyn ka badali doonaan siyaasadii dalku sidii ay u socotay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...