Somaliland: Shir wada jir ay u Hoggaaminayeen Dawladda & Hay’aduhu oo lagu Naaqishay Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose Ee JPLG

Shir ballaadhan oo lagu naaqishayey arrimaha maamul daadajinta Dawladaha-hoose ee Somaliland ayaa lagu qabtay Huteelka  Ambassador ee Hargeysa,shirkan oo heer sare ah  loo soo  agaasimay  waxa ka soo qeyb-galay in ka badan 50 xubnood oo ka kala socday wasaaradaha maaliyadda,arrmaha gudaha,maayarrada degmooyinka Goballada,madaxa xafiiska hay’adda UNCDF,hay’adaha ILO iyo qaarkale.

Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadlay Madaxa hay’adda UNCDF Mr Aadan Xasan Mataan waxaanu ka warbixiyey ujeedada shirkan iyo nuxurka laga filayo inay ka soo baxaan maanta iyo brito oo shirkaasi lagu wado inoo soo xidhmo “maanta waxaa sharafweyn ii ah inaad nagala soo qaybgashaan shirkan oo maanta iyo burrito inoo socondoona kaas oo ah sida aad la wada socotaan maamuldaadajinta shaqada dawladaha-hoose” ayuu yidhi Mr Aadan Mataan.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko waxaanu si kooban uga warramay ka maayar ahaan iyo Golihiisu siday diyaarka ugu yihiin inay uga qayb qaataan waxaanu xusay inay saraakiil ka socota xafiiskiisu shirka u matali doonaan iyaga oo sida uu sheegay warbixino kala duwan ka soo jeedin doona shirkaasi  “anigu shirka uun baan idiin furayaaye waxaa ee waxaa qaybaha danbe ee Dawladda hoose ee Hargeysa idinla sii wadidoona saraakiisha xafiiskayaga shirkuna wuu inoo furanyahay,” ayuu yidhi Maayarka caasimaddu.

madaxa xafiiska hay’adda UNCDF ee Somaliland Mr Aadan Xasan Mataan oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay jiraan lacago dawladaha-hoose ka maqnaa si loohubiyo xisaab ahaan inay saxyihiin warbixinnadii laga sugayey Dawladaha-hoose inay u soo gudbiyaan hay’adda UNCDF.isaga oo Mr Mataan arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi waxaad la socotaan inay jireen lacago ka maqnaa Dawladaha-hoose lacagtaasina waxaanu u gudbinay qeybihii la saxay xisaabiyaha guud iyo Baanka dhexe inta aan wali la soo sixin anagaa gacanta ku haya waxaanan la sugayaa inay maayarrada degmooyinku iisoo gudbiyaan xisaabaadkoodii oo sax ah markaa anna waxaan u gudbindoonaa Xisaabiyaha guud.”

xisaabiyaha guud Maxamed Cabdi Bade oo madasha shirkaasi ka hadlay waxa uu ka sheekeeyey baahida loo qabo inay Dawladaha-hoose muuiyaan hawlqabadkooda iyo waajibaadkii loo soo doortay isla dhanka kalana Mr Bade waxa uu xusay si xisaabaadku dariiqoodii saxda ahaa u maraan in loo baahan yahay inay Dawladaha-hoose soo waafajiyaan qaab-xisaabaadkooda cadaymaha lagarabo “Dawladaha-hoose waxaa laga rabaa inay qaab xisaabaadkooda ku soo cadeeyaan warbixinnada lagarabo inay ku soo gudbiyaan,” ayuu yidhi Mr Badde.

 

Mr Mataan madaxa UNCDF oo halkaa ku soo bandhhigay warixin dheer waxa uu kaga hadlay qaabka ay tahay in loo soo dhigo buuxinta meelaha loo baneeyey Buugga cadaynta qorsha kharashaadkaasi “Buugaa aad arkayaasni wuu banaanyahay waxaana laydinka rabaa wixii lagu buuxin lahaa ee caqabadaha ahaa ee idinka horyimid inaad halkaa ku soo cadaysaan” ayuu yidhi Mr Mataan. Cabdiqaadir Ciise oo la taliye ahaan ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada uu madasha shirkaasi ku soo bandhigay warbixin la xidhiidha wada shaqaynta wasaaradda waxbarashada iyo ka dhaxaysa Dawladaha-hoose waxaanay warbixintaasi dhalisay dood badan iyada oo ay ka soo qaybgalayaashii shirkaasi si wadajira isula qaateen in laga shaqeeyo sidii loo buuxin lahaa meelaha banaan ee ay cabaduhu ka jiraan sida mushaharaadka macalimiinta oo kale iyo wixii la mid ah.

Mr Mataan waxa uu sheegay maadaama ay waxbadani is gaadh-gaadheen in loo baahday in wixii la kalasifeeyo xisaabtooda sidaa darteed uu isagu goostay ka masuul ahaan inuu hubiyo xisaabaadka Dawladaha-hoose waxaanu yidhi “maadaama ay waxbadani is gaadh-gaadheen anigaa dalbadani inaan warbixin ka helo degmooyinkii oo degmawalba intaan la fadhiisano waydiina maxaad heshay maxaase kaa maqan.”

“Annagu waxaanu qaadannay 100 macalin balse wasaaradda waxbarashada ayaa nagala hadhay 50 waxaana loo baahan yahay ileyn wax waliba way is bedaleene inaanay mushaaharaadkii wasaaraddu siinaysay  macalimiinta 10 sanno ka hor halkii uun ku dayne wax loo kordhiyo miyaanay mubaasib ahayn,” ayuu yidhi Maayar Dicin. agaasimaha wasaaradda waxbarashada Professor Cabdi Cali Jaamac oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka reer-guuraaga ah xoogga la saaro waxbarashadooda si ay bulshadda ula tallaabsadaan “Waxa loo baahan yahay  in arrimaha waxbarashada sare loo qaado gaar ahaan waxaanu qorshaynaynaa ka wasaarad ahaan sidii aannu meelaha miyiga ah dadka dagan u gaadhsiin lahayn waxbarashada waxaanan ku talLo jirnaa inaan Sollar ku xidhno deegaannada miyiga ah,” ayuu yidhi.

Dhinaca kalena  waxa uu ka hadlay  mushkiladda uu qishku ku hayo natiijada waxbarashada kaas oo caado ka noqday Somaliland, waxaanu ka soo qeyb-galayaashii shirkaasi ka codsaday inay wasaaradda kala shaqeeyaan sidii lagu afjari lahaa dhaqankaas xun  gaar ahaan sanadka soo socda inaanay ardaydu ku soo tallo-gelin inay wax qishaan sidii hore oo kale.  “Waxaan rabaa inaad nagala shaqaysaan sidii lagu dabar goyn lahaa qishka oo dhibaato weyn innagu haya sidii sannadka soo socda looga hortagi lahaa ardaydana waxaan u sheegayaa inaanay ku soo tallo-gelin wax qish la yidhaahdo sannadka soo socda,” ayuu yidhi Cabdi Cali Jaamac.

Xisaabiyaha guud Maxamed Cabdi Badde ayaa soo jeediyay  in loo baahan yahay in qaabkii hore ee loo shaqayn jiray wax badan laga bedalo gaar ahaan marka ay timaaddo shaqada Dawladaha-hoose isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca wasaaradda maaliyadda maadaama ay isla socdaan shaqooyinkii Dawladaha-hoose iyo tii dhexe waxaa la rabaa inaan qaabkii hore Bedallo.”

Mr Badde isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Maadaama ay howlo badani soo socdaan isla markaana la rabo inay hawluhu meel kaliya ka socdaan waxaan u baahan nahay inaan soo af-jaro waxyaabihii hore  inooga dhaxayn jiray.”

Xisaabiyaha Guud waxa uu caddeeyay inaanay ka Dawlad dhexe ahaan waxba baaqi ku noqonayn kharashka  ay siiyaan Dawladaha hoose balse loo baahan yahay inay Maayarrrada Dawladaha hoose soo xisaabtamaan oo ay wax cad la yimaadaan “Annaga waxba baaqi nagu noqon maayaane waxaa laydinka rabaa maanta inaad soo xisaabtantaan Dawladihiina-hoose wixii aad yeellataanna Baankaanu idiin dhigaynaa tiihoreba Baanka ayay idiin taallaa,” ayuu yidhi Mr Badde.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudahama Cabdifataax Siciid Axmed oo madashaasi ka hadlay waxa uu ka waramay ka wasaarad ahaan kaalinta ay ku leeyihiin hurusocodka barnaamijkan GPLG ee hurumarinta Dawladaha-hoose.

Cabdifataax waxa uu sheegay ka wasaaradiisu  inay xil weyn iska saareen kana hawl galeen sidii loo bixin lahaa lacagihii ka dhinnaa Dawladaha-hoose tiina ay hirgashay waxaanu yidhi “Annaga oo matalaynay wasaaradda arrimaha gudaha waxaanu ka hawl-gallay lacagihii baaqiga u ahaa Dawladaha hoose sidii lagu soo dayn lahaa tiina waanu ku guulesanay waxaana ka wada shaqaynay  waxaana na horkacayey oo runtii aad noola shaqeeyey oo dabada naga kexeeyey Maxamed Cabdi BaDde oo na yidhi aan hawshaa galloo si loo bixiyo lacagahaasi,” ayuu yidhi.

Agaasimuhu waxa uu sheegay shir ka dhacay Addis Ababa in lagaga dooday inay isla qaateen in wax ka bedal lagu sameeyo qaabkii hore ee shaqada iyo xisaabaadka barnaamijka GPLG waxaanu sheegay qoddobadii shirkaasi Addis Ababa ka soo baxay inay ka mid ahaayeen in lacagaha barnaamijkani leeyahay 50% lagu soo shubo Baanka caalamiga ah ee Dahabshiil Bank international inta kalana lagu shubo Baanka Dawladda waxaanu yidhi “Shir muhiim ahaa oo aannu kaga qeyb gallay Addis Ababa waxaa ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay in Baanka Dahabshiil lagu shubo lacagaha Barnaamijkan GPLG 50% inta kalana Baanka dhexe ee xukuumadda.”

Maayarka Berbera Cabdishakuur Dicin oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay mushaharka macalimiinta waxka dhiga dugsiyadda dawladdu  inay yar yihiin loona baahan yahay in la kordhiyo si loo helo waxbarasho tayo leh “Waxaan soo jeedinayaa inay xukuumadda dhexe dib isugu noqoto oo ay kordhiso musharka macallimiinta iskuullada xukuumiga ah wax ka dhiga waayo wax waliba way is bedaleen oo noloshii korbay u kacaysaa,” ayuu yidhi Mr Dicin.

Maayarka Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi isna waxa uu ku calaacalay inuu maamulkiisa Gebilay saaran yahay culays badan oo kaga yimaadda degmooyin aan maamulkiisa hoos iman oo aanay canshuurtiisa ka qaadin sida Wajaale,Alleybaday,Agabar iyo qaarkale isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “anaga dhibaatada ugu weyn ee na hortaallaa waxaweeye in Schoollo aanaan deegaannadooda maamulin  mushaharka macalimiintooda nalawaydiiyo waayo Alleybaday ma maamullo,Wajaale ma maamullo,Agabar ma  maamullo oo canshuurtooda meelo kalaa lagu qaadaa” ayuu yidhi Mr Amiin Cumar Cabdi.shirkani oo sida uu qorshuhu yahay berrito la soo gabagabayn doono doodihii muhiimka ahaa iyo warbixinnadii laga sugayey maayarrada iyo degmooyinku inay soo gudbiyaan ayaa dhiman waxaanu qorshuhu yahay inay howlahaas oo dhami ku qasoomaan berrito gelinka hore shirkana la soo afmeeridoono wixii ka dambeeya xilliga qadad haddii eebe idmo.

Maayarkiihore ee Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo shirkaasi isagu soo xidhay waxa uu si kooban ugu mahad celiyey ka soo qeyb-galayaashii shirka waxaanu xusay inay si qurux badan uga doodeen arrimihii shirka loo qabtay isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaan idiinka mahad-celinayaa sidii nadiifta ahayd ee aad uga doodeen arrimihii aynu isugu nimid waxaanad muujiseen aqoon iyo karti shirkuna wuu  inoo xidhanyahay.”

 

Comments

comments