Colaada U Dhaxeysa Real Madrid & Xiriirka K/Cagta Colombia Ee Ku Aadan James Rodriguez Oo Meeshii Ugu Sareysay Gaaray.

Colaada u dhaxeysa xiriirka kubada cagta Colombia iyo Real Madrid ma ahan wax cusub.

Waxa uu xiriirkooda xun bilowday xagaagii markii James Rodriguez uu ka qeyb qaatay Copa America oo dalkiisa uu ka qeybgalayay halkii uu qaliin garabka ah mari lahaa sida ay kula talisay kooxdiisa Los Blancos.

Tan iyo markaas xiriirka u dhaxeeya labada dhinac ayaa xumaaday, waxaana uu haatan qarka u saaran yahay inuu burburo ka dib markii James uu si iskiis ah ugu duulay Colombia si uu u ciyaaro labada kulan ee isreebreebka Koobka Addunka inkastoo Real Madrid ay soo saartay warbixin caafimaad oo ay ku tilmaameyso inuu kubka ka dhaawacan yahay.

Real Madrid ayaa ciyaaryahanka ka saartay kooxdii wajahday Eibar axadii waxaana ugu wacneyd inuu ku dhaawacmay iskululeynta kulankaas.

Si kasaba, James ayaa iska dhegotiray warbixinta kooxda, waxaana uu u duulay dalkiisa isagoo cadeeyay inuu doonayo inuu ka horyimaado Uruguay Talaadada soo socota.

Los Blancos waxa ay ka careysan tahay sida xiriirka kubada cagta Colombia ay u ixtiraameen kooxda La Liga ka ciyaarta ee Alaves kuwaasoo iyagana ku wargeliyay xiriirka in Daniel Torres uu dhaawacmay isla maalintii uu James dhaawacmay, waxaana xiriirka Colombia ay aqbaleen go’aanka kooxda iyagoo aan u soo yeerin Torres.

Laakiin taas bedelkeeda Colombia waxa ay dalbatay in James uu u duulo dalkeeda si ay iyaga u xaqiijiyaan dhaawac James.

 

Comments

comments