Brazil ayaa la filayaa inay kursiga keydka geliyaan xiddiga qaab ciyaareedka liita ku jira ee Chelsea Willian islamarkaana ay ka doortaan kubadsameeyaha Liverpool Philippe Coutinho.
Xulka Brazil ayaa wajahaya Bolivia iyo Venezuela kulamada isreebreebka Koobka Adduunka, waxaana wararka ay sheegayaan in tababare Tite uu shaxdiisa ka saari doono Willian ka dib qaab ciyaareedyo liita uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay gool wacan kulankii Chelsea ay ka badisay kulankii Hull City isbuucaan, laakiin booskiisa xulka qaranka ayaa shaki la gelinayaa.
Willian waxaa bedelay Coutinho kulamadii Ecuador iyo Colombia, iyadoo xiddiga Liverpool uu saameyn degdeg ah yeeshay iyadoo Brazil ay gaartay guulo muhim ah.
Jariirada Globo Esporte ayaa aaminsan in nasiibkii Willian uu soo dhamaaday iyadoo Coutinho uu ku soo bilaabanayo bedelkiisa.
Xiddiga Manchester City Fernandinho ayaa aas-aasi u noqon kara seddexda khadka dhexe iyadoo xiddiga imaanaya Manchester City Gabriel Jesus uu hogaaminayo weerarka.
Laakiin boos looma hayo xiddiga PSG Thiago Silva kaasoo u tartamaya inuu safto kulankiisii ugu horeysay ee muddo sannad ka badan.
Xiddiga Chelsea Oscar iyo weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino ayaa sidoo kale la filayaa inay kursiga keydka ku soo bilowdaan iyadoo Brazil ay dooneyso inay tartan la gasho Argentina iyo hogaamiyayaasha isreebreebka Koobka Adduunka ee Uruguay.
Shaxda Macquulka Ah Ee Xulka Brazil: Alisson; Dani Alves, Marquinhos, Miranda, Filipe Luis; Fernandhino, Giuliano, Renato Augusto; Coutinho, Neymar, Gabriel Jesus
Xiddigaha Kale Ee Xulka Brazil Ku Jira: Alex Muralha, Weverton; Gil, Thiago Silva, Fagner, Wendell; Rafael Carioca, Lucas Lima, Oscar, Paulinho, Willian; Douglas Costa, Roberto Firmino