Suuqyada Berlin Oo Kala Xidhmay Markii Nin Muuqaalkiisu U Eg Yahay Hitler Uu Tukaamaysi Ku Dhex Taxaashay!!

Dad badan oo u dhashay wadanka Jarmalka ayay layaab ku noqotay markii ar arkeen hogaamiyihii Naasiga ahaa ee Adolf Hitler oo suuqyada iska dawaafaya gaadhigiisana baansiin uga iibsanaya mid ka mid ah kaalmaha shidaalka lagu iibiyo ee magaalada Berlin. In badan oo dadkii la kulmay ahi inta ay sawiro ka soo qaateen ayay qoraalo kala duwan ku baahiyeen mareegaha xidhiidhka dadweynaha ee Facebook iyo Twitter. Odhaahyada ay ka qoreen ninkan waxa ka mid ahaa “Ma rumaysan karo in aan arkayo oo uu i hor taagan yahay Hitler oo shaarubihiisii lagu yaqaanay leh, xidhan koodhkii uu caanka ku ahaa ee midabkiisu midabka dameerka u ekaa. Waxa uu dawaafayay suuqyada waxaanu u tukaamaysanayay si caadi ah. Ma Hitler oo soo noolaaday baa?”. Odhaah kale oo baraha twitter la isku waydaarsaday waxa ay ahayd: “Hitler oo soo baxay. Ma uu dhiman muddo ayuu qarsoonaa waana kan imika suuqyada lugaynaya”.

Qisada Dhabta Ah Ee Hitler-kan Cusub!

Dhammaan sidan dadku u qaateen ama ay uga dareen celiyeen waxa uu ahaa wax khalad ah. Ninkan Hitler u ekaa waxa uu ahaa Jilaa filimada matala oo wakhtigan uu suuqyada marayay matalayay filim laga diyaarinayay noloshii Adolf Hitler. Dadku ma ay arkayn kamaradaha ninkan baacsanayay ee daba socday balse isaga uun ayay ku mashquulsanaayeen oo ay dhinacyada ka socdeen iyaga oo sawiro ka qaadanaya. Kooxda filimkan duubaysay ayaa kamarado meel walba oo uu ninkan atooraha ahi marayay ku xidhay waxaanu ahaa qorshe la isla ogaa in dadku aad ula yaabaan. Filimkan laga diyaarinayo aasaasihii xisbiga Naasiga wadanka Jarmalka Adolf Hitler ayaa laga diyaarinayaa buug xiiso badan oo noloshiisa ku saabsanaa oo muddo hore la qoray kaasi oo soo saariddiisu qaadatay muddo badan. Xukuumadda wadanka Jarmalka ayaa dhawaan ogolaatay in filimkaasi la bilaabi karo kadib markii baadhitaan lagu sameeyey ujeedada soo saaridda filimkan oo ay markii hore ka shakisanayd. Jilaha filimkan cusub ee ku saabsan nolosha Hitler ayaa aad ugu muuqaal eg waxaanu suuqyada u soo baxay isaga oo u labbistay sidii Hitler, timahana u soo habaystay sidii Hitler waliba wajigiisa aad ugu ekaysiiyey ninkaasi caanka ah taasi oo keentay in dad badan ay kedis ku noqoto muuqaalkan ay arkayaan oo ay u qaateen Hitler oo dib uga soo daahiray carro-Jarmal.

Arrintan xiisaha leh ayaa si weyn looga hadal hayaa wadanka Jarmalka kadib markii si weyn loogu qaadaa dhigay Twitter-ka iyo Facebook dadkuna hadal hayeen.

 

Comments

comments