- Maxaa ku Dhacay Laaluush Bixiye Isagoo Socda u Dacwooday Xafiiska Maxkamadda Maroodi-jeex?
- Tiradda Markhaati Beenaaleyaasha ku xidhan Jeelka Hargeysa Iyo Kaaliye Baxsaday
- Warbixin Xiise Leh oo Wargeyska DAWAN ugu Dhabo-galay Dhacdooyinkii u Dambeeyay ee Hab-dhaqanka Maxkamadaha Hargeysa
Laaluushkii Lagu ibtileeyay maxkamadaha Somaliland, ayaa markii u horreysay muddadii ka dambaysay 22/9/2016, laga suuliyay in xukaamta iyo shaqaalaha garsoorka Maxkamadaha Hargeysa ay laaluush ka qaataan dadweynaha ay u hayaan dacwadaha kala duwan, taasina waxay wax ka bedashay kalsooni darradii shacbigu ka qabeen maxkamaddaha dalka.
Maxkammadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa 22-kii Bishii September 2016, ku xukuntay xadhig kala duwan iyo ganaax lacageed, afar qof oo iskugu jiray laaluush bixiye, dillaaliin iyo mid ka mid ah kaaliyeyaasha maxkamadda oo baxsaday markii uu ka war-helay in gacanta lagu dhigay kooxdii uu laaluushka ka qaatay waxaana la xukumay isagoo maqan. Arrintani waxay noqotay mid maxkamadaha Hargeysa ka soo saartay dunidii madoobayd isla markaana kor u qaaday sumcadda isa soo taraysa ee maxkamadaha dalka.
Haddaba, Weriye Khadar Maxamed Xaashi oo ka tirsan suxufiyiinta wargeyska DAWAN oo u dhabo-galay isbedalka xukunkaasi keenay iyo saamaynta ka dhalatay waxa uu ka qoray shalay warbixin xiiso badan oo u qornayd sidan:-
“Marka aad maqasho maxkamadaha Somaliland gaar ahaan kuwa caasimadda Hargeysa waxa markaba qofka caadiga ah ku soo dhacaya maskaxdiisa sawir fool xun iyo kalsooni darro laga qabo facaa’ilka xafiisyadda maxkamadaha yaalla. Hase yeeshee imika dhaqankaasi waxa uu meesha uga baxayaa si tartiib tartiib ah.
Waxa xukunka maxkamaddu ku riday afarta qof ee laaluush lagu xidhay uu ka dhashay markii qof laaluush bixiye ahi uu cabasho ula tagtay guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana uu ku andacooday in laga xukumay dacwad uu daraf ka ahaa maadaama sida uu sheegay laga laaluush batay.
“In nimankan aanu qabanno oo aanu gacanta ku dhigno, waxa noo sahlay waxa keenay laba nin oo laaluush bixiyay ayaa iyaga oo socda xafiiska igu yimid, waxaanay igu yidhaaheen guddoomiye Maxkamada kiis noo yaalay ayaa xaq darro nalagaga xukumey,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo u warramay DMG, waxaanu intaas ku daray “Waxaan ku idhi in xaq darro la idinkaga xukumay yaa idiin sheegay?.” “Waxay yidhaaheen lacagta aanu bixinay kharash ka badan ayay kuwa kale bixiyeen oo sidee ayaad u bixiseen ayaan ku idhi? Waxaanay yidhaaheen. lacag 4-kun oo doollar ah ayuu kaaliye Abokor naga qaaday. Isla markiiba waxaan u yeedhay kii laaluushka u kala qaaday isaguna waxaa uu qirtay inuu 870-doollar ka qaatay, kiiskana sidaasi ayaan ku baadhay intaas ka dibna waxaan u gudbiyay CID-da,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda oo ka hadlayay siday lugahooda ugu yimaadeen laaluush bixiyeyaasha la xukumay.
Intaas ka dib waxa Guddoomiyaha Maxkamaddu uu gal dacwadeed ka furay kiiska afartan qof oo saddex shacab ahaayeen, halka qofka afraadna uu ahaa kaaliye Maxkameed oo dhamaantood xukun maxkamaddu ku riday.
“Kiiskii ugu dambeeyay ee ahaa laaluush bixinta, laaluush dilaalka iyo laaluush qaadashada, Ilaahay wuu nagu guuleeyey oo waanu xukunay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda oo shucuur ahaan farsaxannaa. “25-kii sanadood ee ugu dambeeyay dadku maxkamadaha waxay uga caageen ee ay u iman waayeen waxa uu ahaa walaaca ay ka qabaan laaluushka.”
“Kiiskaaga oo cad marka aad lacag ku doonato waa lagaa lacag badan karayaa, markaa aamini-maysid meel lacag lagu bixinayo,”ayuu ku dooday Guddoomiyaha Maxkamaddu, waxa uu sheegay inuu EEBE ku beegay inuu ku dhaawaqo xukunkii u horeeyay ee laaluush qaadashada ka dhan ah, waxaanu yidhi “Taariikhda Somaliland waa markii koowaad ee maxkamadaha dalku ay xukumaan kiis noocan oo kale ah oo ku wajahan laaluush bixin, laaluush qaadasho iyo mukhalas laaluush.”
Xukunkii Laaluus Bixinta iyo Laaluush Qaadashadda:
Go’aankii laaluush afartaas qof maxkamaddu ku heshay laaluushka waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaanu u xukunay saddex nooc, oo ah kii wax laaluushayay, kii laaluushka qaadanayay, iyo kii u dhaxeeyay ee laaluushka xaaranta ah dilaalayay, 1- Maxamed Jaamac Baaruud Ina Cudbi Ibraahim kaas oo ku gafey qoddobka-ka 272(2) XGG, iska dhigid inuu kalsooni ka heysto Garsoore, Maxkamadu waxay ku xukuntay laba sannadood oo xadhig ciqaabeeda, waxaa kale oo lagu xukumay xuquuq madani ah, oo xukunsanayaasha 2-aad 3-aad ee laaluush uu ka qaatay, qeybtii uu ka cunay oo dhan 870-doollar oo uu qiraal ku ahaa, waxaana xadhiga looga bilaabaya xukunsanahan, maalintii xoriyada laga qaaday oo aheyd 14/8/2016
2-Jaamac Maxamuud Xuseen Ina Saado Guulleed oo 26-sanno jira kaas oo ku gafay qoddobka 249XCG bixin laaluush, maxkamadu waxaa ay ku xukuntay hal-sano iyo lix bilood oo xadhig ciqaabeed ah iyo hal-milyan oo ganaax maxkamadeeda, waxaana xadhigiisa laga bilaabaya maalintii xoriyada laga qaaday oo aheyd 21/9/2016
3- Jaamac Yuusuf Cali Ina Faadumo Muxumed oo dadiisu tahay 38-sanno jir kuna gafey Qod-249XCG bixin laaluush waxaa ay maxkamadu ku xukuntay hal sanno iyo lix bilood oo xadhig ah iyo hal-milyan oo ganaax Maaliyadeedda, waxaana xukunsanaha xadhiga looga bilaabaya maalintii xoriyada laga qaaday oo aheyd 21/9/2016.
4- Ex-Kaaliye Abokor Axmed Maxamed –Maqane kaas oo ku gafey Qod-246(1)XCG ,Qod-366(1)XGG Fooljari ku sameyn dukumanti uu qaranku leeyahay, waxaa ay maxkamadu ku xukuntay 4-sanno xadhig ciqaabeed ah iyo hal milyan oo ganaax maaliyadeeda iyo xuquuqdii Madani ee laaluush ahaanta kaga qaaday xukunsanayaasha 2-aad iyo 3-aad oo dhammeyd saddex-kun iyo boqol iyo sodon dollar waxaanay xukunsanaha maxkamadu kaga kala xukuntay qodobadan:–
Qod-366(1)XCG laba laba sano xadhig ciqaabeeda.Waxaana xukunsanaha xadhiga looga bilaabayaa maalinta la soo qabtee sharciga la horkeeno, waxaana xukunkiisa lagu dhawaaqay 20/12/1437H Ahna 22/9/2016.”
“Cida laaluushka wadada u sameysay waa ummada, meeshay doonaanba ha joogeene, garsoorkana waxaa sadheeya waa ummadeenna oo laaluush ula Imaneysa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex.
Arragtida Islaamku ka Qabo Laaluush Bixinta & Qaadashadiisaba:
Sheekh Axmed Dhimbiil Guulleed, waa Agaasimaha xafiiska iftiinka shareecadda, kana mid ah culimada wasaarada diinta ee dawladda Somaliland “Nabigeennu waxaa uu yidhi (Alle ha nacdalo ka laaluushka bixinaya, ka qaadanaya iyo kuwa ka dhex shaqeynayaba), Nac-dashuna waxa waa naxariista Alle kaa dheeree,”ayuu yidhi Sheekh Axmed Dhimbiil oo la hadlay DAWAN, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Ninka naxariistii Ilaahay laga fogeeyayna wax allaale iyo wax u hadhay ma jiraan, quraankana waa lagu xaaraantinimeeyay Nabigeenuna (NNKHA) waa uu xaaraantinimeeyay. markaa laaluushka ha la iska jiro oo hala iska ilaaliyo si aynu bulsho caafimaad qabta oo naxariista ILAAHAY hesha aynu u noqonno.”
“99-ka magac ee Ilaahay cadaalad baa ka mida. ILAAHAY ummadna kuma qaado dambi aanay laheyn amase aanay gelin, cadaaladanna waxaa u xilsaaran hadba ciddii xilka haysa,”ayuu Sheekhu u caddeeyay Bulshadda.
Maxay Dhalisay Dib u Haybayntii Garsoorka Somaliland:
“Garsooreyaasha maxkamadaha Somaliland 99% waxaan caddeynayaa inaanay laaluush qaatayaal ahayn, waana dad nadiifa ah oo ILAAHAY ka baqaya oo aan laaluush qaateyaal ahayn ayaa maanta jooga garsoorka intii dib u habaynta lagu sameeyay,”ayuu ku yidhi Guddoomiye Axmed Dalmar.Waxaanu ka sheekeeyay mid ka mid ah kiisaskii ugu layaabka badnaa ee maxkamadda ku soo maray “Kiiska noogu layaabka badnaa ee na soo maray wuxuu ahaa kiiska markhaati beenaalaha, nimankii markhaati beenaaleyaasha ahaa waa ay xukuman yihiin, oo laba sannadood ayaanu ku xukunay. jeelka weyn ee magaalada Hargeysa ayaanay ku jiraan,”ayuu yidhi. “Waxaa kale oo aanu gacanta ku dhignay mukhalasiin. mukhalasiintuna waa sida suuska oo kale oo ka sii xun markhaati beenaaleyaasha.”
Mr. Dalmar oo si gaar ah ula hadlayay dadweynuhu waxa uu yidhi “Maxkamadu waxay u furan tahay dadweynaha, mid fiqiir ah, mid wax haysta, mid madax ah iyo mid dan yar ah sharciga hortiisa waa loo siman yahay. Waxaan ku cel-celinaynaa inaanay dadweynuhu isku dayin inay laaluush bixiyaan. ciddii dhaqankaas sumaysan lagu qabtana sharciga ayaa la marinayaa.”
Jawiga Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex:
Khadan Ismaaciil Cabdi, waa dadkii aan kula kulanay xayn-daabka maxkamadda, waxay sheegtay in laaluushkii uu haatan u muuqdo mid laga soo dabar jarayo maxkamadda.
“Maxkamadda Maroodi-jeex, waxaad moodaa inay daruuri u da’dey. sababto ah waa markii ugu horeysay ee cadaalada Somaliland iyada lafteedu is xukunto, waan ku hambalyaynaynaa Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka iyo garsooreyaashiisa,”ayay tidhi Khadan Ismaaciil oo ka mid ah dadka kiisasku kaga jiraan maxkamadda. “Arrintani waxay ka dhigan tahay maah-maahdii ahayd Weysha Gawrac dibigu ha ku quustee, waana wax ku dayasho mudan.” Waxase ay ku baaqday in dhaqankan cusub la laasimo fulintiisa. “Markaa waa in cadaaladu sidaa ay imika u shaqeynayso, lagu dhaqaa. xukunkan aad lagu riday laaluush bixinta waa mid gabi ahaanba bulshada Somaliland ay si weyn ugu diirsatay.”
Waxa la sheegay in muddooyinkan dambe maxkamadaha hareerahooda laga waayay shabakadihii Markhaati beenaaleyaasha iyo kuwii loo yaqaanay “Yaan u gubtaa” ee beenta ku dhaaran jirayba.
“Markhaati beenaaleyaasha aanu qabaney ee xumani waa saddex qof oo ku jira jeelka Hargeysa. waxaanu u cuskaney Qoddobka-291, markaa maanta waxa gabi ahaanba maxkamadaha Somaliland ka dhammaaday wixii la odhan jiray laaluush qaate,”ayuu sheegay Guddoomiye Dalmar,waxaanu dadweynaha ugu qalbi qaboojiyay “Dadku waxay odhan jireen maxkamadaha dhirtaa ku taalla ayaa qalashay, dhirtii qalashay way magooshee kaalaya dhir qalashay maanta ma jirtee..”