General Cabdisamad Cali Shire oo hore u ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland oo mudooyinkii ugu danbeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa Ilo xogogaal ahi sheegayaan in wadahadalo u socdaan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in Xidhiidho hoose ay wada sameyeyn Cabdisamad Cali Shire iyo Faysal Cali Waraabe waloow aan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ay isla meel dhigeen basle ilowareedyadu waxay intaasi ku darayaan in Faysal doonayo in Janaraalku ku soo biro xisbiga isla markana uu ka mid noqdo hogaanka sarre ee xisbiga.
Dadka Siyaasada u dhuundalool ayaa tilmaamay in hadii uu General Cabdisamad Cali Shire ku biro xisbiga UCID ay guul weyn u noqondoonto xisbigaasi, madama Siyaasigani la sheegayo in uu sameyn weyn ku leeyahay Gobolada Bariga ee uu ka soo jeeddo.