Markab Ay Leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta oo Lagu Weeraray Badda Cas!

Date:

Xoogaga Shiicada Xuutiyiinta Yemen iyo isbaheysiga carbeed ee dagaalka kula jira oo uu horkacayo Sacuudiga ayaa dagaalkii u dhexeeyey ee cirka iyo dhulka ku koobnaa haatan ku soo daray dhinaca badda.

Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen ayaa sheegay inay bilaabeen duulaan ka dhan ah doonyo ay leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta, kuwaasoo weeraray markab laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo marayey gacanka cadmeed ama badda Cas.

Falaagada Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka uu ahaa mid ciidan, ayna ku burburiyeen gantaal ay kaga soo rideen meel u dhaw dekadda badda cas ku taalla ee Mokha.

Hase ahaatee xulafada Sacuudigu hogaaminayo ayaa sheegtay in markabka uu ahaa mid gargaar bani’aadan-nimo siday.

Dowlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qeyb ka ah xulafada dagaalka kula jirta Xuutiyiinta isla markaana caawinaysa xukuumadda Yemen ayaa markab dagaal u dirtay gacanka cadmeed kaasoo la dagaalamaya doonyo ay la socdaan xuutiyiinta doonyaha wata.

Kooxda shiicada Xuutiyiinta oo lagu eedeeyo in ay gacan ka helaan Iran, ayaa dhul ballaaran oo ka tirsan Yemen qabsaday sanadkii lasoo dhaafay.

Inkastoo dhulkaas balaaran qeybo badan oo ka mid ah laga saaray haddana weli waxay maamulaan magaaooyin waaweyn oo ay ku jirto caasimada dalkaas ee Sanca.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...