Iyadoo la ciyaaray kulamadii 7aad ee horyaalka Premier League islamarkaana 15ka maalmood ee soo socda lagu maqnaanayo kulamada heerka caalami ee isago jira isreebreebka Koobka Adduunka 2018 iyo kulamada saaxiibtinimo waxaan eegeynaa halka la kala marayo tartanka gooldhalinta horyaalka Ingariiska.
Xiddiga Chelsea Diego Costa ayaa weli sii xajisanaya hogaanka gooldhalinta Premier League xilli ciyaareedkan isagoo ku hogaaminaya lix gool, waxaana goolkiisa lixaad uu ka dhaliay kooxda Hull City kulankii ay Blues 2-0 ku badisay, Costa waxa uu sii dheer inuu labo caawin sameeyay xilli ciyaareedkan.
Waxaa kaalinta kaalinta labaad iskula jira seddex ciyaaryahan oo min shan gool leh oo uu u horeeyo weeraryahanka Everton Romelu Lukaku kaasoo isbuucaan shabaqa soo taabtay kulankii ay Everton barbaraha 1-1 la gashay Crystal Palace habeenkii jimcaha.
Sergio Aguero ayaa isna leh shan gool isagoo kooxdiisa ka caawin waayay shalayto guuldarradii 2-0 ee Manchester City ku soo gaartay White Hart Lane, halka xiddiga West Ham Michael Antonio uu isna leeyahay shan gool ka dib todobo kulan oo la ciyaaray.
Dhowr ciyaartoy ayaa min afar gool wadaaga waxaana ka mid ah Son Heung-min oo Tottenham u ciyaara, xiddiga Arsenal Alexis Sanchez, xiddiga Man City Raheem Sterling kan Liverpool James Milner, kan Watford Etienne Capoue, kan Swansea Leroy Fer, Jermaine Defoe-ga Sunderland iyo Zlatan Ibrahimovic-ka Man United.
KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA PREMIER LEAGUE:
6 gool – Diego Costa
5 gool – Romelu Lukaku
5 gool – Sergio Aguero
5 gool – Michael Antonio
4 gool _ Edin Hazard