Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay hay’adda shaqaalaha dawladda Md. Sharma’arke Axmed Muxumed, ayaa ku guuldarraystay inuu carrabaabo tirada rasmiga ah ee uu marayo sanadka cusub ee islaamka oo maanta si rasmi ah u curtay, xilli uu ku dhawaaqayey in shaqaalweynaha dalwaddu fasax yihiin.
Md. Sharma’arke oo telefishanka dawladda kula hadlay xafiiskiisa, isla-markaana u holladay inuu shaaciyo curashada sanadka cusub ee islaamka, ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey ku gaabsaday oo kali ah inuu umadda u sheego inuu sanadkii cusub bilaabmay, balse waxa uu ku guuldarraystay inuu shacabka la wadaago tirada rasmiga ah ee uu yahay sanadka curtay iyo weliba bisha la galay magaceeda.
Hadalka Guddoomiye Sharma’arke waxa ka muuqatay inaanu haba yaraatee garanaynin tirada taariikhda islaamka ee la galay, isla-markaana uu jahli ka haysto inuu carrabka ku dhufto oo uu sheego tiraday taariikhda Islaamku marayso, maadaama uu ku dhawaaqayo in fasax la gelayo.
Inta badan shacabkii ay gaadhay farriinta guddoomiyaha da’da yar ee hay’adda shaqaalaha madaxda ka ah, ayaa waxa ay is-weydiinayaan sababta uu u sheegi waayey sanadka u curashadiisa umadda u fasaxayo, iyadoo dadka intiisa badani arrintaas u fahmeen inaanu guddoomiyuhu aqoonba u lahayn tirsiga rasmiga ah ee uu sanadkaasi haatan galay.
Sanadka cusub ee islaamaka oo sida la sheegay maanta curtay, ayaa ah kii 1438-aad, waxana bisha Muxaram ay maanta tahay kow, waana munaasibad aad qaali ugu ah bulshoweynta islaamka, inkasta oo ay yar yihiin dadka inta badan nolol-maalmoodkooda ku sargooya tirsigiisu.