Waxa jira Kelmado ay isticmaalkooda ka siman yihiin shucuubta adduunku luuqadda ay doonaan haku hadlaane, waxaana kelmadahaasi inta badan laga siman yahay ay noqdeen kuwo aanay mar kali ah hoos u dhicin isticmaalkoodu waxaana toddobaadkan la shaaciyey in Kelmadda OK ay wali ku jirto kaalinta koowaad kuna fadhido carshiga kala sarraynta kelmadaha loogu isticmaal badan yahay dunida ee shucuubta adduunka sida siman u wada isticmaalaan luuqadda ay doonaan haku hadlaane.
23-kii Bishii April ayaa kelmadda OK waxa ay da’ ahaan baarka ka jartay 175 sanadood tan iyo maalintii la isku raacay in ay tahay kelmadda adduunka dadka ku nooli ugu isticmaalka badan yihiin. Waa kelmad ay isku fahmaan shucuubta adduunku waana kelmad muujisa xaalad is faham oo aad u wanaaagsan. Inkasta oo luuqadaha dadku aad u kala duwan yahay haddana kelmadda OK waa kelmad muujisay in ay noqoto kalmadda kaalinta koowaad ku jirta kelmadaha loogu isticmaal badan yahay marka laga hadlayo kelmad dadku wada isticmaalaan oo wada leeyihiin. Sannadkii 1839-kii ayay ahayd markii la isla qaatay in kelmadda OK ay noqotay kelmadda dadka adduunku ugu isticmaal badan yihiin ee ay waliba isaga mid yihiin.
Kelmadda OK waa xuruuf la soo gaabsaday oo ka soo jeeda kelmado macno leh waxaanay la macno tahay “All Correct” oo macno ahaan noqonaysa “Waa Sax”. Jackson oo ah Khabiir ku takhasusay baadhitaanada luuqadaha adduunka oo bare sare ka ah jaamacad ku taalla wadanka Jarmalka ayaa sheegay in kelmadda OK ay sii laban laabantay isticmaalkeeduna aad u sii kordhay tan iyo intii dunidu xawli ku dhaqaaqday dhinaca Tiknoolajiyada iyada oo mareegaha xidhiidhka dadweynaha ee loo yaqaano Social Media ay sii kordhiyeen isticmaalka kelmaddan.