Cadho Caalami Ah Iyo Doodo Ka Adag Oo Ka Dhashay Faransiiska Oo Dalkiisa Ka Hir Gelinaya Goob Dalxiis Oo Dadku Qaawani Iyaga Oo Mudh Ah Ku Tamashleyn Doonaan

Date:

Inkasta oo dalal badan oo Yurub iyo adduunka kaleba ahi soo dhaweeyeen haddana in badan oo shucuubta adduunka ka mid ah oo gaalo iyo islaamba leh ayaa si weyn uga biyo diiday go’aan ay toddobaadkan qaadatay dawladda hoose ee casimadda waddanka Faransiiska ee Paris oo go’aamisay in ay samayso barxad dalxiiska iyo tamashlaynta loo yimaad oo dadku iman karaan oo kali ah iyaga oo qaawan oo mudh iyo gacan ah iyo siday ku dhasheen kadib markii dad badan oo Faransiis iyo caalamka kaleba lihi ay codsanayeen arrinkaasi ugu dambayna Maamulka Dawladda Hoose sharciyeeyey in degdeg loo sameeyo goobtaasi dalxiis ee dadku iyaga oo qaaqaawan isugu iman karaan taasi oo dunida in badan ka dhalisay doodo iyo cadho caalami ah iyada oo dad badani ku doodayaan in ay tahay caqli xumo weyn iyo garaadkii umadda oo meel hoose maraya iyada oo dhinaca diinta iyo qiyamka aadamiga aad loogu eedeeyey in go’aankani meel kaga dhacayo.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka caasimadda Faransiiska ee Paris Mudane Bruno Guyar ayaa ku dhawaaqay in maamulka dawladda Hoose ee Paris sharciyeeyeen degdegna loo hir gelin doono goob dadku isugu soo baxaan iyaga oo qaawan oo ah goob ku teedsan xeelliga webiga Seine (Seine River) ee dhex mara caasimadda dalkaasi Faransiiska. “Waxaanu muddoba raadinaynay goob ku habboon annaga oo aan doonayn in aan cadho ama dareen abuurno. Waxa ay noqon doontaa beer ama goob barxad ah oo la qurxiyey oo ku teedsan ama ku dherersan sinta webiga Seine. Waxa ay dadku iman doonaan sidii ay muddo badan naga codsanayeen iyaga oo qaawan oo aan dhar xidhnayn”. Sidaa waxa yidhi Bruno oo ka hadlayay arrinkan markii ay go’aanka ku gaadheen waxaanu hadalkiisa raaciyey: “Caasimado badan oo Yurub ah ayaa horeba u go’aansaday in ay goobo sidan oo kale ah hir geliyaan, waxaana ugu dambaysay Caasimadda Jarmalka ee Berlin. Waxaanan aaminsahay in aanay Paris na ka duwanayn, tahayna arrin la sugayay muddo badan”.

Inkasta oo markii horeba sida caadiga ah goobaha dalxiiska gaar ahaan xeebaha ama xeelliga webiga Seine lagu arki jiray dad aan qaawani waxba dhaamin oo goobahaasi ku tamashlaynaya haddana waxa ay noqon doontaa markii ugu horraysay ee Faransiiska laga hir geliyo goob dadku isugu yimaaddaan rag iyo dumarba iyaga oo gabi ahaanba qaawan waana arrinka dhaliyey doodda iyo hadal haynta badan. “Qiyamka iyo mabaadii’da bani aadamnimo ee saxda ahi waxa ay inna farayaan in quruxda dadku ku jirto dharka oo la xidho ama lagu labbisto. Diimaha Muslimka iyo Kiristaanka iyo xataa dadka aan diinta lahayni waxa ay ka siman yihiin in qaawanaan la isugu soo baxaa tahay calaamad jaahilnimo iyo liidasho ah waanan ka soo hor jeednaa go’aankan.” Sidan waxa yidhi Claude Van Riscans oo ka tirsan machadka dalxiiska dalka Faransiiska.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...