“Xukunkii Maxkamadda Sare Anigu Waan Ku Diirsaday, Waayo Waxaa Uu Soo Afjaray Heshiiskii Guddomiyaha UCID Iyo Garabkii UDUB” Cali Gurey

Date:

Waayo waxa uu si sharci ah u soo af jaray khilaafkii soo jiitamayay mudada dheer ee ku saabsanaa Heshiiskii Bedbaadinta UCID ee ay wada galeen Xisbiga UCID oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen yo Garabkii Udub ee uu hogaaminayay Musharaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

Marka hore waxan ku faraxsanahay in ay labada dhinacba aqbaleen Xukunka Maxkamadda Sare. Xukunkan ay gaadhay maxkamaddu wuxu labada dhinac ku waajibinayaa in si wada jir ah ay u fuliyaan dhamaan qodobada Xukunka. Xukunka Maxkamaddu wuxu farayaa labada dhinacba in, iyada oo la raacayo Xeerka Xisbiga la qabto Shirwayne Aan Caadi ahayn oo la hor geeyo Heshiiskii hore loo wada galay si uu u ansixiyo dhamaan qodobadii heshiiska sida ku cad go’aanka Xukunka Maxkamadda. Dabcan ansixinta heshiiskanna waxa si buuxda ugu soo af jarmaya gebi ahaanba khilaafkii Xisbiga UCID. Dhaqangelinta xukunkan ayaa UCID ku ah qasab waayo waa xukun dhacay oo ay riday Maxkamadda Sare ee JSl oo labada dhinac midna xaq u lahayn inu rafcaan ka qaato kuna qasban yahay inu u hogaansamo. Dhinici ka horyimaadana, hadii ay dhacdoba waxay ku gelaysaa dembi ay ku mudan karto ciqaab.

Hadii ay dhacdo in qodobada qaar aan si loo wada fahmin ee dhinacba fasiiraad ka duwan tan dhinaca kale la yimaado ugu dambaysta waxa fasiraad la waydiisan karaa Maxkamadda Sare oo iyada fasiraadeedu ay shrci noqonayso.

Markaa anigu ma arko wax dhibaato ah uu hor taagan dhamaystirka khilaafkii Xisbiga UCID.

Sidaa daraadeed waxa waajib ku ah Gudoomiyaha xisbigu in si xikmad iyo curin leh oo masuuliyadi ku dheehan tahay uu ugu hogaamiyo xisbigiisa sidii uu uga bixi lahaa khilaafka ragaadiyay si uu ula tartamo labada xisbi ee kale oo aan is leeyahay hadii Ilaahay karsiiyo Gudoomiyaha UCID xisbi ahaan loogama dhawa guusha waxanu noqon karaa xisbul xaakimka Somaliland hadii Alleh yidhaa.

Ugu dambaystii anigu shakhsi ahaan wax dan ah oo gaar ah oon ahayn guusha UCID haba yaraato eh kama lihi xil aan ka doonayo oo aan ku dheganahayna ma jiro manfac iyo mansab midna.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Caligurey

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...