Siyaasigii afraad oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyay in uu u tartamayo musharaxnimadda jagadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi.
Wasiirkii hore ee wasaarada dib u dejinta Somaliland C/rasaaq Cali Cismaan, oo isagu haatan ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa sheegay in uu u sharaxan yahay jagada madaxweyne ku xigeenka ee shirka golaha dhexe ee bisha November ee fooda innagu haysa lagu qaban doono Hargeysa.
Cabdirisaaq Cali Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Boorame ayaa soo qadimay murrashaxnimadiisa waxaanu sheegay inuu haysto taageero ka haysto bulshadiisa iyo xisbiga WADDANI dhexdiisaba.
“Aniga ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga WADDANI, waxaan halkan caddaynayaa inaan ahay musharrax u taagan jagamadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga WADDANI, waanan u tartamayaa. Waxaanan is leeyahay waad qaban kartaa xilkaa, anigoo la kaashanaya kartidayda iyo aqoontayda,”ayuu yidhi Murrashaxaasi. “Waxaan ka codsanayaa bah weynta xisbiga WADDANI inay igu taageeraan murrashaxnimadda madaxweye ku xigeenka ee aan ka tartami doono shirka golaha dhexe ee xisbiga ee soo socda.” Waxa hore mansabkan ugu taramayay oo maalmihii u dambeeyay ololahoodu xamaasad yeeshay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed, Dr. Maxamed Cali iyo ninka kale oo la yidhaahdo Eng. Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna hore murrashaxnimadiisa kaga dhaawaaqay Boorame. Guddoomiye Cirro ayaanay iskaga cidi kula taramaynin mansabka murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga WADDANI dhexdiisa, waxaana lagu wadaa in Golaha dhexe u ansixiyaan jagadaasi.
Waxa la sheegay in laacdanka murrashaxiintani ay culays siyaasiya saartay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo doonayay inay isu tanaasulaan si aanu khilaaf iyo dildilaac ugu iman xisbiga oo muddooyinkii dambe uu saarnaa culaysyo siyaasiya oo hoos u dhigtay taageeradii uu ka haystay bulshadda tan iyo markii uu xisbigaasi ka soo horjeedsaday kala qaadista doorashooyinka oo ay ka soo horjeedsadeen kalsoonidii ay madaxweynaha ku siiyeen inuu go’aan ka gaadho mowduuca la xidhiidha saami-qeybsiga kuraasida baarlamaanka iyo doorashadda aqalka wakiiladda labadaba. Iyadoo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu sii dhex fadhiyo aqalka wakiiladda oo uu xisbigiisu aaminsan yahay inuu sharci darro yahay.