Ku Walfidda Facebook- 10-Kan Qodob Iska Baadh Si Aad Isaga Hubiso In Aad Ku Walaftay Isticmaalka Barta Xidhiidhka Bulshada Ee Facebook

Date:

Wax waliba isticmaalkooda haddii ay xadka ka baxaan, waxaa yimaadda dhibaatooyin badan, taasoo loo saarayo in qofkaasi uu ku walfay waxaas, iyadoo caafimaadkiisa jidh ahaaneed iyo maskax ahaaneedba ay kaga muhiimsan tahay isticmaalka waxaasi uu ku walfay ama qabatimay. Isticmaalka Facebook wuxuu ka mid noqday waxyaabaha lagu walfo, waxaana jira cilmibaadhisyo dhowr ah oo laga sameeyay arrintan, dhakhaatiir ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa waxay diyaariyeen liis lagu qiimeeyo heerka isticmaalkaaga Facebook iyo in aad ku walaftay iyo in kale, waxaana qiimeyntaas loo bixiyay “Bergen Facebook Addiction Scale”. Baahida ku kalliftay cilmibaadhayaasha in arrintan daraasado laga sameeyo waxay ahayd in dad badan ay caafimaadkooda ku waayeen isticmaalka aaladda Facebook ee aan kontaroolka lahayn, qaar ayaa naftooda is dhaafiyay ama dad kale dhaafiyay si ay asxaabtooda Facebook u raalli galin lahaayeen ama magac uga yeelan lahaayeen ama u tusi lahaayeen inay dartood waxyaabo halis ah ugu dhiiradaan ama u sameeyaan, taasoo astaan u ah nooc waallida ka mid ah.

Akhristow, sidee ku ogaan kartaa in aad ku walaftay Facebook ama aad ku waalantahay?

Illaa 10 Waxyaabood Ayaa Muhiim Ah In Aad Iska Eegtid Si Aad U Ogaatid In Aad Ku Walaftay Isticmaalka Aaladda Facebook Iyo In Kale

-In wax kasta oo noloshaada ka mid ah aad “SHARE” gareyso, tan oo lid ku ah khusuusiyaatkaaga iyo sirtaada shakhsiga ah iyo midda qoyskaaga, qofka sidan sameeya marka hore wuu ku farxaa kadibna wuu ka qoomameeyaa, waana astaan lagu yaqaano inuu qofku waxan sameynayo uu ku walfay. Fadlan wax SHARE gareyntaadu xad ha yeelato, wixii anfac leh, dhibna kuu keeni karin, sirtaadana kuu ilaalinayo, dadka kalane aanad ku xad gudbeynin.

-In farriin kasta oo kuu timaadda aanad iscelin karin illaa aad ka jawaabto mooyee xittaa haddii fariintaas ay kuu soo dhacdo saq dhaxe adigoo jiifa, waa in aad hurdada ka soo kacdaa si aad u akhrisid ama uga jawaabtid, iyo adigoo aan eegayn xaaladda aad ku sugan tahay sida shaqada ama waxbarashada.

-In wax kasta oo nolol maalmeedkaaga ka mid ah aad soo “Report” gareyso si aad u dareentid farxad iyo raynrayn markii aad aragtid qof xiiseynaya waxa noloshaada ku soo kordhay, tusaalooyinka lala yaabo waxaa ka mid ah: in aad soo sawirto ama ka soo warbixiso dukaamada iyo maqaayadaha aad gasho maalin kasta, waxa gurigaaga ku soo kordha sida dadka idin soo booqda oo kale, meesha aad joogtid iyo jidka aad marayso, in timaha aad jaranaysid iyo inaad xaajo gudanaysid iyo waxyaabo kale oo badan, tan waxay tusaale u tahay in qofka sidan sameynaya uu raadinayo in la dareemo jiritaankiisa, waana qayb waallida ka mid ah.

-In qof walba oo aad Facebook ku aragtid aad jeceshahay in aad noloshiisa wax kasta ka ogaatid adigoo rumaysanaya wax kasta oo uu soo qoro, weliba jecel in noloshaada oo idil aad uga warbixisid ama la wadaagtid sawiradaada khaaska kuu ah iyo warbixinno aadnad ku aamini karin qof aad kula kulantay magaalada aad daggan tahay.

-In noloshaada ka baxsan Facebook aad ku qiimaysid inta asxaab ama inta LIKE ee aad haysato, tusaale ahaan in markaad qof isbaraysid xaga shaqada ama waxbarashada ama meelo kaleba aad ku tidhaahdo intaas oo qof ayaan saaxiib la ahay ama intaas oo qof ayaa LIKE i siisay, in ixtiraamka aad u hayso dadka aad ku salaysid tirada asxaabtooda ama LIKE-ta ay haystaan. waa arrin tilmaamaysa in Facebook-ga uu ka mid noqday tiirarka aad bulshadaada ku qiimayso.

-Isbadal ku yimaadda noloshaada ka baxsan Facebook, sida in aad dhibsatid is-aragga iyo wada shaykaysiga iyo booqashada ka baxsan Facebook, in dabcigaagii iyo furfurnaantaadii aad kula dhaqmi jirtay dadka ay isbadashay iyo in aanad baahi u qabin saaxiibtinimada ka baxsan aaladda Facebook.

-In isticmaalka Facebook uu saameyn ku yeeshay caafimaadkaaga sida hurdada, cunnada iyo jicmisiga, haddii aad waxyaabahaas wax ka mid ah aad u dayacdid Facebook dartiis waxaad ogaataa in aad ku walaftay Facebook.

-In aad dareentid cidlo ama murugo markii aanad booqan Facebook ama internet aad waydo ama in aad dareentid baahi iyo hamuun aad u qabtid Facebook xilliga aad mashquulsan tahay ama aanad hal maalin moogaan karin isticmaalka Facebook-ga iyo in aad wax kasta ka hormarisid, tusaale: haddii waxa ugu horreeya ee aad samaysid markaa hurdada ka soo toostid iyo waxa ugu dambeeya markaa jiifanaysid uu yahay Facebook, ogow in aad jidka walfidda aad soo haysid.

-In aad Facebook ku leedahay kumanaan saaxiib laakiin weli aad dareemaysid cidlo iyo kalinnimo.

-In cibaadadaada iyo salaadaada uu saameyn ku yeeshay Facebook, xaggii waqtiga iyo xaggii khushuucdaba.

Walfiddu heerar ayay kala leedahay, waxaana fiican inuu qofku xad u yeelo wax walaba uu isticmaalayo, waxaa dhici karta in aad gaadhid heer aad dagaal ka xigtid in Facebook laguu diido ama waalidkaa aad wax ku gaadhsiiso arintaas darteed sida waalidiin badan ay ka soo sheegeen caruurtooda, Fadlan ra’yigaaga ka dhiibo arrintan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...