Jose Mourinho Oo Doonayay ‘Inuu Foolka Ka Jabiyo Arsene Wenger’ Ka Dib Markii Ay Isagu Dhaceen Juan Mata Dartiis.

Date:

Jose Mourinho ayaa doonayay inuu foolka ka jabiyo Arsene Wenger ka dib markii ay labada nin isagu dhaceen Juan Mata, sida lagu sheegay buug cusub oo laga qoray tababaraha reer Portugal.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger iyo macalinkii markaas ee Chelsea Jose Mourinho ayaa naceybkii ay isku hayeen uu soo baxay ka dib markii uu Juan Mata uu u wareegay Manchester United bishii Janaayo 2014 oo uu ka tagay Blues.

Wenger ayaa markaas sheegay inay lama filaan ku aheyd heshiiskaas madaama uu aaminsanaa in Chelsea aysan ciyaaryahan weyn ka iibineynin koox si toos ah ugula xafiiltameysa horyaalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mourinho uu ka baqayay inuu guuldareysto, taasoo keentay in Mourinho uu isna ku tilmaamo Wenger nin ku takhasusay guuldarada.

Markii ay hadaladaas saxaafada isku mariyeen ayaa Mourinho waxaa lagu waramayaa inuu u sheegay Rob Beasley oo ah qoraaga buuga Jose Mourinho ee Up Close and Personal: “Maalin uun waxaan Wenger ku arki doonaa meel ka baxsan garoon kubadeed, waxaana ka jabin doonaa foolka.”

Qoraaga buugaan cusub Beasley ayaa sidoo kale sheegay in Mourinho uu ku tilmaamay Wayne Rooney ‘wiilka cayilan’ – inkastoo uu si weyn u doonayay inuu Chelsea keensado.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...