Somaliland: Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Jawaabay Hadal Uu Yidhi Safiirka Midowga Yurub

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyey wareysigii Wargeyska Geeska Afrika uu la yeeshay Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya, danjire Michele Cervone d’Urso, isagoo Wasiir Sacad difaacay go’aanka madaxweynuhu dib ugu dhigay doorashada ee ay beesha caalamku ka qaylisay. Danjire Michele ayaa Geeska Afrika u sheegay in go’aanka madaxweynuhu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiiladu uu wiiqay kalsoonidii beesha caalamka ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa isagoo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay hadalkii uu Madaxweynaha Kenya uu ku sheegay in aanu Somaliland aqoonsayn. Waxaanu waraysiga Wasiir Sacad u dhacay sidan

Wargeyska Geeska Afrika wuxuu wareysi la yeeshay Safiirka Midawga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu wareysigaas ku sheegay in go’aanka Madaxweynuhu keenay in kalsoonidii Caalamka ee Somaliland wiiqantay,  markaas sidee ayaad aad u aragtaa?

Somaliland kalsoonidii Calaamka may wiiqin, kaliya waxay ku talaabsatay waxay xaq u leedahay, waxaanan ku kalsoonahay in aanay marnaba Somaliland waayeen ama wiiqayn kalsoonida Caalamka, go’aanka Madaxweynuhuna waa rabitaanka Shacabka, marka kalsoonida Caalamkuna waxay ku saleeysan tahay Dimuqraadiyada iyo degaanshaha  Somaliland, go’aankii Madaxweynuhuna waa mid sii adkaynaya Dimuqraadiyada, deganaasha iyo

midnimada,go’aankana waa go’aan uu shacabku taageersan yahay sidii laga arkay shaashadaha,  talaabooyinka iyo go’aanka Madaxweynuhu qaaday waxay adkaynayaan kalsoonidu ay Shacabku ku qabaan dawladda, markaas go’aanka Madaxweynuhu wuxuu xoojinaya Dimuqraadiyada midnimada iyo deganaasha, in kalsoonida Caalamka xoojiso mooyaane ma daciifin karto.

Beesha Caalamka iyo Wadamada Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinku go’aankii Madaxweynaha way ka soo hor jeesteen, wayna dhaliileen, marka sidee ayaad u aragtaa fikirkooda?

Iyagu waxba inaguma qasbayaan ee waxay jecel yihiin inay labada Doorasho mar wada dhacaan, inaguna waxaynu dan u aragnaa in la kala qaado, marka waxaanu rajaynaynaa oo aynu quud daraynaynaa inay inala qaatan rabitaankeena,Wadan kastaana isaga ayaa garanaya wuxuu u baahan yahay.

Haddii go’aanka Madaxweynuhu ku kala qaaday labada Doorasho uu dhaqan galo, oo codsiga Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka la diido, haddii ay diidaan kharashka ay ku bixiyaan Doorashada Xukuumaddu ma bixinaysaa oo dhabarka ma u ridaynaysaa kharashaadka Doorashooyinka?

Horta wali may odhan Doorashada idinka caawin mayno, ee Doorashada labaad bay ka hadlayaan, taas lafteeda waxaan filayaa inay inaga caawin doonaan, balse haddii ay dhacdo inay inaga caawin waayaan, Somaliland marxalado fara badan ayey soo martay, wey ka soo gudubtay iyadoo dadkeeda iyo xoolaheedaba  ku tashanaysa, marka insha allah waanu isku tashan doonaa.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in aanu Somaliland aqoosanayn,madaama xidhiidh cusubi u bilaabmay labada dal ee Somaliya iyo Kenya, markaas sidee ayaad u aragtaa hadalkaas ka soo yeedhay Madaxweynaha Kenya?

Wali dalka Kenya inama aqoonsan jiritaanka iyo aqoonsiguna waa kala jaad, Somaliland waa Wadan jira oo xuduudo caalamiya leh, oo taas aqoonsi Kenya uguma baahnin iyo inaynu jirno oo aynu xuduudo leenahay oo taariikh aynu leenahay, ee Kenya iyo Caalamka intiisa kalaba waxaynu uga baahan nahay aqoonsiga madax banaanida, kolay waxa jira duruufo arimo Siyaasi oo arimahooga guddaha, balse Kenya xidhiidh wanaagsan baynu lahayn, oo halkan waxa inoogu yimid Xildhibaano badan oo ka socda Kenya, waxa jira dad badan oo reer Somaliland oo Kenya degan, halkan dad badan oo Kenya ah ayaa ka shaqeeysta, waliba dadka reer Kenya ee Somaliland yimada iskama yimadaan ee Fiso ayey ku soo galaan,markaas haddii aynaan wadan hayn Fisaha Somaliland kumay yimaadeen.

Madaxweynaha Somaliya dagaal siyaasadeed buu la galay Somaliland, oo Madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland uu ka soo horjeeda, markaas haddii ay sidaas tahay miyaanay qorshaha idinku jirin inaad joojisaan wada hadaladii Somaliya?

Cadaadiska, mawqifka iyo la dagaalanka dhinaca Ictiraaf raadinta Somaliland ee Somaliya wax inagu cusub maaha, Madaxweynaha Somaliya wuxuu doono ayuu iskaga hadlay, hadalna waxba inagaga qaadi maayo, balse wada hadalada haddii aanay waxba inoogu jirin weynu ka tashan doonaa, oo sidii kale ee aynu dan moodno ayeynu yeeli doonaa,mar walbana waxay ku jirto danta dadka iyo dalkaba ayaanu yeeli doonaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...