Daraasad laga sameeyey nidaamka cashuur-qaadista Wasaarada Maaliyadda ayaa amaan loogu soo jeediyey shaqaalaha qaabilsan iyo madaxda wasaarada, laguna sheegay inaanu jirin hanjabaad loo geysto cashuur-bixiyeyaasha.
Daraasadan oo u maalgeliyey Machadka Daraasaadka Caalamiga ee dalka Denmark, isla markaana uu hogaaminayey khabiir J. Antonio Campos, oo cilmiga Bulshada bartay ayaa lagu sheegay in cashuur-qaadayaasha iyo saraakiisha Wasaarada Maaliyaddu u gutaan hawlahooda qaab is-dhul-dhigid ah, inkastoo ay filayaan in cashuur-bixiyahu aanu run sheegay, jawi daacadnimo ayey ula macaamilaan.
Daraasadan oo Machadka DIIS ee Denmark soo saaray Isniintii, isla markaana u soo koobay weriye Maxamuud Walaaleye ayaa lagu bilaabay:
“Inkastoo dalalka caalamku fududahay in shaqsi walba la ogaado xadiga dakhliga sannadkii soo gala iyo meelaha uu ka helo, halkan Somaliland, hawlwadeenada wasaarada Maaliyadu waxay adeegsadaan nidaam digtooni, maadama la malaysan karo in cashuur-bixiyahu aanu xaqiiqada dakhliga soo galay wada shaacinayn, waxaanay la yeeshaan wada xaajood dheer, taasoo ka helaan macluumaad waaqici noqon kara.
Hawlwadeenada wasaarada Maaliyadda ayaa shaqadooda bilaaba xilli hore aroortii, ama marka albaabada loo furayo ganacsiga kala duwan ee wadooyinka hareerahooda ku yaal. ma qaataan dirays lagu garan karo, laakiin waxay sitaan kaadhadhka aqoonsiga tilmaamay inay ka socdaan Waaxda Cashuuraha Berriga ee wasaarada Maaliyadda.
hawlwadeenada Wasaarada maaliyadda ee cashuuraha qaablsan ayaa u badan dhalinyaro, maadama hawlahoodu u badan yihiin socod.
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha oo Amiin aan ugu yeedho ayaa dardaaran uu u jeedinayey hawlwadeenada ka baxayey xafiiska u sheegay, hadal Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam soo fartay oo ahaa “Mustaqbalka dalkan Somaliland idinka leh, fadlan shaqadan daacadnimo u qabta,” taasoo u ku sii dhiirigelinayey.
Hawlwadeenada inta badan waxay ku maqan yihiin xaiiska dibadiisa, iyagoo lgaynaya, oo eegaya ganacsiyada cusub, iisla markaana maskaxda kala soconaya heerarka adeegsiga macaamiisha ee ganacsiyada, buugaagtana ku qoranaya waxay arkeen, “Inta badan way bixiyaan cashuurta, oo dadka wanaagsan way yimaadaan xafiiska,” hawlmaalmeedka cashuur-uruuriyaha ayey ku jirtaa inuu warqada yeedhmada u diro hantiilayaasha ganacsiyada kala duwan, marka uu arko inay in isbedel ku jiro macluumaadka ganacsaduhu bixiyey iyo kuwa rasmiga ee ganacsigiisa, ama shaqaale aanu sheegin oo jooga,” ayuu sheegay Keyse.
Mar aanu la soconey hawlwadeen cashuur weydiinayey ayaa ii sheegay in ninkii shaqaalaha dukaanka joogay diiday inuu qabto warqadii yeedhmada, sababo la xidhiidha in mulkiilahu shaqada ka eryo, maadama uu sheega in ganacsigoodu caqabado haysteen. dareen shaki leh ayuu qaatay hawlwadeenkii waxaanu yidhi, “eeg lacag ayaa taal..” isagoo tilmaamaya qalabkii guryaha dukaanka yaalay.
Waxaan weydiiyey laga yaabo inay tahay sababta uu u sheegay caqabada oo dhamaan lacagtii ay qalabkan geliyeen, balse hawlwadeenkii waxuu iigu jawaabay, “Hadii ay geliyeen qalabka dukaanka yaala dhaqaale gaadhaya $20 kun, waa khasab inay haystaan $1000 ay cashuurta ku bixiyaan,” taasoo qiimayntiisa qalabkii yaalay dukaanka uga soo baxday in hanti jirto haynteeda.
hadafka salka u ah hawlahan cashuur-uruurinta waa sii dhiirigelinta hab-dhaqankii hawlwadeenada ee samirka, iyo adeegsigiisa fiirada shakiga la macaamilka ganacsadaha, kana fogaado fal nooc kastoo ku abuuri kara qalbiga cashuur-bixiyaha mid hanjabaad ugu muuqanaya, hadii aanay xaalad kale keenin.