Somaliland: Maxamed Biixi Yoonis Oo Beeniyay War Laga Baahiyay Oo Ah Inuu Noqon Doono Raysalwasaaraha Maamulka Muqdisho

Date:

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si adag u beeniyay warar la baahiyay oo sheegaya inuu noqon doono raysalwasaaraha dambe ee Somaliya marka ay dhalato dawlad cusubi ee Somaliya.

Md. Biixi, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo dacaayad ah oo lagu dilayo sumcadda uu ku dhex leeyahay shacabkiisa Somaliland, “Waxaan doonayaa inaan beeniyo warar dacaayad ah oo aanay waxba ka jirin oo la iga baahiyay oo sheegaya inaan noqonayo raysalwasaaraha dalka Somaliya.” ayuu yidhi Maxamed Biixi oo intaas raaciyay, “Warkaas waxba kama jiraan, waana dacaayad la iska garanayo cidda ka dambaysa oo lagu dilayo sumcadda aan ku dhex leeyahay dadkayga Somaliland. Anigu nin Somaliya iyo meel kale toona u socda ma ihi, waxaan ahay nin aaminsan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, horena ugu soo shaqeeyay haddana u shaqaynaya, waxaan aaminsanahay Somaliland oo ka mid noqota dalalka la aqoonsanyahay oo hesha xaqa ay shacabka reer Somaliland leeyihin.”

Wuxuu intaas raaciyay, “Markaas warkaasi waa mid raqiisa oo aanay gebi ahaanba waxba ka jirin, mana aha wax iga suurtooba.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...