Sawir Qaade Markii Ugu Horraysay Taariikhda Booqday Magaalada Adduunka Ugu Qabaw Ee Dad Ku Nool Yahay

Date:

Sawir qaade u dhashay wadanka Newzeland ayaa loo aqoonsaday sawir qaadihii sannadka kadib markii uu sawiro taariikhi ah ka soo qaaday deegaanka loo aqoonsada in uu yahay deegaanka ugu qabawga badan kadib markii uu deegaankaasi cilimadiisu gaadhay 52 darajo oo ka hooseeya eberka halkaasi oo dhammaan xayawaankii iyo bani aadamkii ku noolaa isaga hayaameen in badanina qabaw darteed u geeriyoodeen kadib markii uu ka da’ay baraf xad dhaaf ah oo aan dunida kaasi oo kale hore u soo marin. Inkasta oo dadka badankiisu aanay aamini Karin in qabaw heerkiisu yahay 52 under zero aanay ku noolaan Karin wax aadame ama xayawaan ahi hadana waxa la xaqiijiyey in deegaankaasi iyo cimiladaasi aadka u qabaw ay dad badani ku noolyihiin iyaga oo ku siganaya in ay qabaw darteed qudhu ka wada baxdo. Su’aalo badan haddii la iska waydiin jiray; waa halkee goobta adduunka ugu qabawga badani? Side ayay dadku ugu noolaan karaan goobta adduunka ugu qabaw? Waa imise heer kulka goobta adduunka ugu qaboobi? Dhammaan arrimahaasi waxa ka jawaabay Sawir qaade Amos Tchabel oo ah sawir qaade isku biimeeya goobaha halista badan kaasi oo sawiro uu ka soo qaaday deegaankaasi ku baahiyey barta caanka ah ee May Modern Met oo ah mareeg lagu baahiyo dhacdooyinka iyo sawirada aadka u layaabka badan.

Deegaanka Oymyakon ayaa la sheegay in ay tahay magaalada adduunka ugu qabaw taasi oo ku taalla gobolka Yaqotia ee wadanka Ruushka ahna magaalo 350km oo kali ah u jirta cidhifka kulaalaha woqooyi ee barafku fadhiyo. Magaca Oymyakon ee magaaladan loo bixiyey ayaa ah magac macnaheedu yahay “Webigii Barafka Fadhiya Ahaa Ee Hadana Soconayey” wabigaasi ayaa cilmiga Ilaahay waxa uu yahay webi socda oo aan waligii biyihiisu barafoobin iyada oo qabawga intaa le’egi ka jiro deegaankaasi oo dhammaantii ah dhul baraf fadhiyo. Sawir qaadahan u dhashay wadanka Newzeland ayaa isku biimeeyey in uu ka soo warramo sawirana ka soo qaado dhulkaasi oo ay ku nool yihin dad aad u koobani. Oymyakon ayaa ah deegaan sannadka oo dhan baraf ah oo cimiladeedu u dhaxayso 40 illaa 72 degree oo darajada eberka ka hoosaysa waana deegaanka adduunka ugu qabaw ee dad ku nool yahay. Waxa uu sawir qaadahani soo sawiray dad ku nool deegaankaasi iyada oo la sheego in dadka ku nooli dhan yihiin 500 oo qof oo kali ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...