Pogba, Martial & Waxa uu Ka Sameynayo Rooney – 5 Waxyaabood Uu Mourinho Ku Xalin Karo Dhibaatada Heysata Man United.

Date:

Ka dib guuldaradii 3aad ee isku xigta ee muddo sideed maalmood gudaheed ku soo gaartay Manchester United, tababare Jose Mourinho ayaa xal u raadinaya dhibta heysata kooxdiisa iyadoo xilli ciyaareedka uu bilow yahay.

Jariirada Daily Mirror ayaa qortay shan waxyaabood oo uu Mourinho ku xalin karo dhibaatada heysata kooxdiisa.

1) Wayne Rooney

Kabtanka England iyo Manchester United waxa uu u ciyaaray si aad u xun kulankii Watford.

Baasaskiisa waa ay qaldanaayeen, waxna ma uusan abuurin. Mourinho waa inuu keyd geliyo oo uu booska kubadsameeyaha ee ka danbeeya Ibrahimovic ka ciyaarsiiyo Juan Mata.

2) Paul Pogba

Pogba uma muuqanin xiddiga ugu qaalisan dunida, welina kuma caawinin Manchester United gool ama caawin.

Marmarsiiyo uma heysto inuusan garaneynin Man United ama Premier League, waxaana uu u baahan yahay dhiirogelin iyo canaan si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkii ka dhigay xiddiga dunida ugu qaalisan.

3) Inuu ka dhigo ciyaartoydiisa kuwa si adag u shaqeeya

Waxaa amakaak ah, in United ay ugu hooseysa kooxda orodka ugu badan sameysay Premier League ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Waxa ay ordeen shantii kulan ee la ciyaaray wadar ahaan 526.6 kiilomitir, waxaana ay aad uga hooseyaan kooxda orodka ugu badan sameysay ee Liverpool kuwaasoo ciyaartoydooda ay ordeen 581.6 kuulomitir.

4) Inuu ka dhigo Anthony Martial mid goolal dhaliya mar kale

Martial ayaa u muuqda hooska ciyaaryahankii uu ahaa xilli ciyaareedkii hore, wax gool ahna ma uusan dhalinin muddo todobo kulan ah.

Waxa uu ahaa mid aan fiicneyn kulankii Watford, xitaa ma uusan go’aansan karin haddii uu soo baxayo sababtoo ah dhaawac canqowga ama madaxa ka gaaray.

5) Inuu helo shax ciyaareedkiisa ugu fiican oo uu ku dhego

Mourinho ayaa kala jarjaray islamarkaana bedelay lafdhabartii kooxdiisa isagoo aan helin shax ciyaareed uu guulo ku gaari karo.

Waxa ay ahaayeen kuwa ku jahwareersan inay jaanta isla helaan, mana muuqato cadeyn ah sida uu doonayo inay United u ciyaarto.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...