60-Kun Oo Darbi-jiif Bilaa Hoy Ah Ayaa Ku Nool Magaalada Ay U Dhasheen Kuna Noolyihiin Milyaneerada Adduunka Ugu Taajirsani

Date:

Inkasta oo Magaalada New York ee dalka Maraykanka lagu yaqaano inta Milyaneer ee ay soo saartay, laguna xasuusto Daaraha dhaadheer ee daruuraha dhaafay, kambaniyada ciiddaa ka badan ee ku yaalla iyo shirkadaha ganacsi, haddana taasi ma kama hor joogsan in Magaaladan loola baxo magaca ah “Hoygii Guri La’aanta iyo Darbi jiifka” kadib markii daraasad cusub oo toddobaadkan daaha laga qaaday lagu ogaaday in dadka Hoy La’anta ku nool ee derbiyada seexdaa kor u dhaafeen 60-kun oo Hoy Laawe (Homeless) taasi oo ka dhigan in dadka hoy laawayaasha ah ee magaaladaasi ku nooli kor u kacaan 11% marka loo eego sannadkii 2014.

Warbixin toddobaadkan lagu shaaciyey degelka Coalition for the homeless ayaa lagu sheegay in tiro-koobkii ugu dambeeyey ee lagu sameeyo dadka derbiyada jiifa ee Hoy la’aanta ugu nool jidadka magaaladaasi ay gaadheen 60-kun, 352 qof waana tiradii ugu badnayd abid taariikhda casriga ah. Sannadkii 2014 dadka hoy laawayaasha ahi waxa ay dhammaayeen 53-kun oo qof waxaanad halkaasi ka arkaysaa sida ay tiradaasi u korodhay muddo kooban gudaheed. Warbixintan ayaa lagu sheegay in korodhka ku yimid dadka hoy laawayaasha ah ay sababta ugu weyn u tahay is badalka ku yimid xilka Maayarka cusub iyo maayarkii hore iyada oo Maayarka cusub ee Magaalada New York Vill De Blasio lagu eedaynayo in aanu sii wadin dadaalkii maayarkii ka horreeyey kaasi oo isagu si uun dhibaatadan ula tacaalo suurta geliyey. Michel Blomberg oo ahaa maayarkii hore ee Magaalada New York ayaa hore isagu u suurta galiyey qorshe lagu diyaariyey guryo jaban oo ay kiraysan karaan dadka hoy la’aantu haysaa balse waxa dhacday in siyaasaddaasi aanay sii socon oo aanu ku dhaqmin maayarka cusub ee Magaalada New York Mr. Bill de Blasio kaasi oo dhawaan sheegay in ay dib u eegi doonaan xaaladda dadka derbi jiifka ah.

Magaalada New York oo ka mid ah magaalooyinka ugu hodansan adduunka ahna magaalo ganacsi oo ay ku yaallaan xarumo waaweyn ayna ka soo baxeen dad badan oo Maal-qabeeno ah oo dunida caan ka ahi ayaa noqonaysa magaalo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ay dadka ugu badani guryo la’aan derbiyada u jiifaan. Waxa ay noqonaysaa arrin layaab leh in Maraykanka oo ay ka diiwaan gashan yihiin in ka badan 500 oo kun oo Hay’adood oo sama fal ah oo sheegta in ay dunida saddexaad caawiyaan in ay dalkooda dad badan oo ku nooli aanay xataa haysan meel ay ka gabbood sadaan Barafka xad dhaafka ah ee ka da’aya. Laba aan is qaban!!

3c37ffd2-d47e-4908-ab92-cb4bb6e76737 s1-reutersmedia-net_-300x189 homeless-person-flickr-giuseppe-cerone-resized-300x200

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...