Qofkii Ugu Da’yaraa Ee Taariikhda Inta La Ogyahay Lagu Xukumo Xabsi Daa’im Iyo Sababta Uu Ku Mutaystay Xukunkaas

Date:

Waxa uu qorsheeyey in uu qori caarradii ku khaarajiyo oo uu xabbad madaxa iyo laabta kala dhaco nin oday ah oo Hooyadii qabay markaasaa isna sidii dadka waaweyn loola xisaabtamay oo gadhka loo galiyey xukun muddo dheer ah iyo xabsi madaxaa ha ku furto ah!!. Inkasta oo uu yahay wiil da’yar oo ku jira wakhtigii dhallaanimo haddana waxa uu wakhtigan ka caweeyaa xabsiga lagu xidho dadka dhagar qabayaasha ah ee ku xukuman xabsi daa’imka!!. Qayrkii iyo kuwa la da’da ahi waxa ay wakhtigooda ku qaataan ciyaarta Fiidiyoyga ah (Games), Kubbad, madadaalo kale iyo in ay waalikood ku khasbaan in wakhtiyada firaaqada la geeyo goobaha ubadku ku ciyaaraan balse kani waa wiil isagu wakhtigiisa oo dhan ku qaata habeen iyo maalin sariir yar oo laba mitir ah, qol cidhiidhi ah oo sabbad ka samaysan iyo cidlo wehel la’aaneed!!. Inkasta oo ubadka yaryari ku jiraan xaalad farxad ah iyo madaaalo aan kala go’ lahayn haddana isagu waa mid aamusan, diiqad culusi hayso, is hiifsan oo aad mooddo in uu umadda oo dhan u cadhoonayo. Kama muuqato wajigiisa wax naxariis ahi waxaanu xabsiga uu ku jiro u arkaa hooyadii iyo aabihii. Akhriste aan guda galno qisada layaabka leh ee arrinta wiilkan yar.

Paul Henry Gingerich waxa uu ahaa wiil 12-jir ah sannadkii 2010 markii lagu xukumay xabsi dhan 25 sanadood oo uu ku qaato xabsiga lagu xidho dadka dilaaga ah ee ku yaalla Gobolka Indiana ee dalka Maraykanka kadib markii lagu helay oo uu qirtay wakhtigaasi in uu si badheedh ah u doonayay in uu u dilo nin da’diisu tahay 49-jir oo hooyadii qaba balse dirqi kaga badbaaday markii wiilkan yari u soo qaatay qori ay ku jiraan xabbado badani oo uu doonayay in uu madaxa kaga dhufto balse uu ninkaa odaygga ahi wakhtigaasi dirqi kaga badbaaday.

Paul Henry Gingerich oo sannadkii 4aad ku xidhan xabsigaasi ayaa wiigii dhawaa waxa booqasho ugu tagay koox suxufiyiin ah oo waraysi kooban kaga soo qaaday qolka uu kaga xidhan yahay xabsiga uu ku jiro waxaanu u sheegay in aanu wax dhibaato ah ku qabin xabsiga dheer ee lagu xidhay rajona ka qabo in uu mar uun ka soo baxo isaga oo nabad qaba maskax ahaan iyo jidh ahaanba. “Waxaa xabsi dhan 25 sanadood la igu xukumay aniga oo 12-jir ah maanta oo aan madaxa la galay 15 jir waxa aan ku jiraa xaalad adag maadaama aanan haysan xorriyad la mid ah ta ay haystaan caruurta ila midka ahi”. Dr. Philip Crosman oo ka hadlay xabsiga wiilkaasi lagu xukumay ayaa sheegay in uu saamayn weyn ku yeelan doono noloshiisa dambe haddiiba uu nolol mustaqbalka kaga soo baxo. “Inta badan waa wiil aamusan waxaanad ogaataa in maskaxdiisa ay wax badani ka guuxayaan. 25-sano kadib haddii uu soo baxo waxa hubaal ah in ay noloshu ka hor iman doonto ama uu is dili doono waayo isaga oo aan qaan gaadhin ayuu mutaystay xabsi daa’im noqdayna qofkii ugu yaraa ee xukun intaa le’eg maxkamadi ku xukunto” ayuu yidhi Corsman.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...