Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayayna waqti badan ku qaadan in ay soo saarto xidigaha ku tartami doona goolkii todobaadkan Champions Leaque-ga ugu fiicnaa. Waxaa xalay la soo gabagabeeyay kulamadii kowaad ee heer Groupyada Champions Leaque-ga oo ay ciyaareen 32 ka kooxood ee qaybta ka ahi.
Waxaa jiray goolal tiro badan oo kulamadan laga dhaliyay iyada oo xidigaha ree Argentina ee Lionel Messi iyo Sergio Aguero ay ka mid ahaayeen xidigaha goolasha ugu badan kulamadan ka dhaliyay iyaga oo min saddexley ka dhaliyay kulamadii ay Barcelona iyo Manchester City ciyaareen.
Laakiin UEFA ayaa shaaciyay in shan ciyaartoy ay dhaliyeen goolashii ugu quruxda badnaa todobaadkan waxayna shantan ciyaartoy ku tartami doonaan goolka todobaadkan ee Champions Leaque-ga ugu fiicnaa todobaadkii kowaad ee Champions Leaque-ga ee xili ciyaareedka 2016/17.
Cristiano Ronaldo ayaa kubbad laaga xorta ah oo aad u qurux badnayd Real Madrid ugu keenay goolka barbaraha kulankii ay Los Blancos guusha soo laabashada waqtigii dhimashada ahayd ee ay Bernabeu kaga gaadhay Sporting Lisbon, wuxuuna Ronaldo goolkan ugu tartamayaan abaal marinta goolka todobaadkan ee Champions Leaque-ga.
Kabtanka Barcelona ee Andres Iniesta ayaa kaydka ka soo kacay waqtigii nasashada ee kulankii Celtic ee ay Barcelona 7-0 ku xaaqday kooxda ree Scotland, wuxuuna Iniesta dhaliyay gool cajiib ahaa oo aanu sugin intii ay kubbadu dhulka ku dhacaysay, wuxuuna goolkan ugu soo baxay ciyaartoyda ku tartamaysa goolka todobaadka ee Champions Leaque-ga.
Xidiga kooxda Leicester City ee Riyad Mahrez ayaa gool caajiib ah isna ku dhaliyay laaga xorta ah kulankii ay kooxdiisa Foxes 3:0 ku soo dubatay kooxda Club Brugge, wuxuuna Mahrez goolkan ugu tartamayaan abaal marinta goolka todobaadka kowaad ee Champions Leaque-ga ugu fiicnaa.
Waxa kale oo xidigaha goolka todobaadka u tartamaya ku jira Sual Neguez oo Atletico Madrid guul ku soo hogaamiyay kulankii PSV iyo Bernardo oo Tottenham gool qurux badan ka dhaliyay kulankii ay AS Monaco guusha ka gaadhay kooxda Spurs. Dad waynaha aduunka ayaa goolasha uga codayn doonaa UEFA.com waxaana guulaysan doona xidiga codka ugu badan hela. Halkan kaga bogo sawirka ay UEFA soo saartay ee koobsana shanta ciyaartoy ee ku tartamayan goolka todobaadka ee Champions Leaque-ga ugu fiican.
Haddaba akhriste, haddii aad goolasha wada daawatay kulamadii ay shantan ciyaartoyda ka dhaliyeen, goolkee ayaa ugu qurux badnaa oo aad filaysaa in uu ku guulaysan doono goolka todobaadka ee Champions Leaque-ga?