Somaliland: “Waxa Fiicnaan Lahayd In IGAD Taariikhda Dib U Raacdo Oo Somaliland Way Ka Da’ Weyn Tahee Ay Aqoonsato Somaliland”

Date:

Dr. Edna Aden Ismaaciil, ayaa urur goboleedka IGAD ugu baaqday inay dib u eegaan taariikhda oo ay aqoonsadaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Marwo Edna oo hadal ka jeedisay kulan habeen hore madaxtooyada ka dhacay oo uu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay war-murtiyeed ka soo baxay ururka IGAD oo Muqdisho ku shiray, ayaa waxa ay Marwo Edna caalamka u soo jeedisay in caawimada Somaliya aanay kalifin in Somaliland la sadqeeyo. “Somaliya  caawimada la caawinayaa maaha inay kalifto in Somaliland loo sadqeeyo  Waa laba dal ah oo xor ahaa oo madaxbanaanaa markay ay ku heshiiyeen inay  is raacaan, waa  in labadaba xuduudahooda xalaasha ahaa loo raaco ayuu xaqu ahaaa.” ayay tidhi Edna Aden oo intaas raacisay “Waxa nasiib darro ah in xubnaha IGAD iyagoo ka mid ah goleyaasha Midowga Afrika oo tilmaamaya inaan xuduudihii laga dhaxlay gumaystaha aan la bedeli karayn in haddana IGAD ku taliso in la bedelo xuduudihii gumaystaha waa ayaan darro.”

Edna Aden waxay sheegtay in la soo noqoshada qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ay wax weyn u tartay degenaanshaha iyo nabadgelyada Geeska Afrika “Waxa mandaqadan Geeska Afrika nabadgelyadeedu hagaagi lahayd iyadoo tusaale laga qaato horumarka iyo nabadgelyada Somaliland ka hano qaaday.” ayay tidhi Edna.

Waxay intaas raacisay, “ayaan darada Somaliland haysataa waxa weeye xukuumad ay la hadashaa Somaliya kamay dhalan, xukuumad doorasho ku timid Somaliya 25-kaas sannadood ka may jirin.”

Iyadoo Edna la hadlaysa IGAD, waxay tidhi  “Waxa fiicnaan lahayd in IGAD taariikhda dib u raacdo oo Somaliland way ka  da’ weyn tahee ay aqoonsato Somaliland maadaama oo wanaag mooyee aanay dhibaato uga iman geeska Afrika mudadii xorriyadeeda la soo noqotay.”

Ugu dambayn waxay sheegtay Edna Aden in Somaliland mar walba soo dhawayso horumarka Somaliya ka soo kordha islamarkaana ay qaabisho qaxoontiga iyo dadka maatada ah ee ka soo qaxa dagaalada Somaliya ee kala duwan.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...