Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir (Faratoon) ayaa salka udhigay Daamiinta iyo dejinta Xaalado rabashaadoo wataa oo soo wajahay Gobolka Sool Maalmihii ugu dambeeyay, Wasiir Faratoon, Oo uu Waheliyo Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Ayaa Gaadhay Magaalada Laascaanood Imaatinka Wasiirka Oo Ku Soo Beegmay Xili ay Gobolka sool ka jiraan Xalaad wataa Rabashaado, isaga oo Ujeedada socdaalkiisu ahayd Gogol dhigiida Iyo dejinte Xaaladaha ka jira gobolka Sool , Wasiirka Faratoon iyo weftigii uu hogaaminayay Ayaa aroornimaadii hore shalay Kulan Balaadhan La Qaatay Cuqaasha,odayaasha Iyo Waxgaradka Gobolkaasi Sool Kulaankaas oo qeybaha warbaahintu dibada ka ahayd ujeedadiisuna ahayd Adkeynta iyo Ilaalinta Amniga gobolka Sool, ayaa Markii usoo dhamaaday waxaa si wadajir warbaahinta ugu faahfaahiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Fartatoon, iyo Taliyaha ciidanka Booliska jeneral Fadal. Ugu horeyn Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland jeneral fadal ayaa faahfaahiyay ujeedada socdaalkooda Magaalada laascanood Waxaana Hadaladiisa kamid ahaa ‘’ Waxaaanu Halkan Ku nimi Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland , Waxaana Naga Soo Horeeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Bilayska Somaliland Iyo Saraakiil Ciidanka Bilayska Ah Oo baadhaysay Dhacdadii Maalintii Dhawayd Halkan ka Dhacdey, Waxaanan Halkan Kula Kulaney Cuqaasha ,Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool Waxaanan ka Hadleynay Dhacdadaa Iska Daba Dhacdey Ee Bisha Afarteedii Dhacdey Oo Aanu Baadhisteedii Si wayn Aanu Gacanta Ugu Hayno Iyo Sidii Nabad gelyada Looga Wada Shaqayn Lahaa.’’
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji maxamed Xiir Faratoon oo isna halkaas ka Hadley ayaa sheegay inaan loo dulqadaan doonin Rabashadaha soo Noqnoqda ee ka dhacaa Gobolka Sool, isaga soo jeediyay in la Ilaaliyo Amniga Gobolka iyo ka Dalka Intabada, isaga oo ballanqadaay inay si buuxda uga hawlgeli doonan Nabada Gobolka Sool Waxaana Hadaladiisa Ka mid Ahaa ‘’ Halkana Saaka Waxaanu Kulan Balaadhan la yeelanay Cuqaasha ,odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool shirkaas waxaa lagu faaqidayay dhacdaadii ka dhacday Gobolka sool 4tii bishan Iyo Sida ay Wax uu dhaceen, runtii si fiican ayay Iyaguna Isku Soo Abaabuleen Oo Aad Uga Muuqdo Dareen Xoog Leh Oo Xamaasadeysan Oo Ay Kaga Hadlayaan Wixii Ka Dhacey Gobolka Kan Iyo In Aan Dib Loogu Dulqaadan Doonin Ee Ay Doonayaan Sidii Looga Gudbi Lahaa Dhibaatooyinka Gobolkooda Haysta Arimahaas Ayaanu Halkan Kaga Wada Hadalney Waxaana uu ku Soo gaabagaboobay af garad Buuxa Oo Waliba Xamaasadi ku jirto ,Wasaarad Ahaan Iyo Boolis ahaan Dhamaan Intayadii Xukuumada Ka Tirsaneyd Ee Halkan Fadhidayna Ballan Qaad Buuxa Ayuunu Siiney In Aanu Kala Shaqayn Doono Gobolkaasi Sool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir Faratoon, iyo weftigiisan ayaa Gunta uxidhay Rabahadihii ka socday Gobolka Sool, isaga Xilligan waada baadhitaano la xidhiidha Rabashadihii ka dhacay Gobolka Sool 4bishan aynu ku gudo jirno.