Madaxweyne Ilmo Kasta Oo Dalkiisa Ku Dhasha U Ballan Qaaday Inuu Waalidkii Siinayo $1000 Haddii Wiilasha Loogu Magac Daro Nabi Muxammed (SCW) Hablahana Xaasaskii Nabiga

Madaaxweynaha wadanka Jeejniya (Chechnya) ayaa shaaciyey abaal marin lacageed oo dhan 1000 dollar in la siin doono Ilmo kasta oo dalkaasi u dhasha oo waalidkii u bixiyaan Magaca Rasuulkii Ilaahay SCW ee Muxamed. Madaxweynaha wadanka Muslimka ah ee Chechnya Ramadaan Qaadiroov (Ranzan Kadyrov) oo arrinkan ku soo beegay xuska Mawliidka ee Dhalashada Nabigeenii Mudnaa Muxamed (Calayhi Salaatu Wa Salaam) oo ka hadlayay xarunta Jimciyadda Sama-Falka ee ay leedahay Madaxweynaha Hooyadii ayaa sheegay in xukuumaddiisu diyaarisay qorshe Miisaaniyad lacageed ku kacaya oo loogu tala galay in Ilmo kasta oo lab oo dalkaasi ku dhasha oo waalidkii u bixiyaan Magaca Maxamed ay siin doonaan lacag dhan 1000 doollarka Maraykanka oo abaal gud ah si ay u dhiirri geliyaan magaca Maxamed oo ah Magacii Rasuulkeenii Mudnaa NNKHA. Sidoo kale Jimciyadda Sama Falka ah ee ay aasaastay Madaxweynaha Hooyadii oo lagu magacaabo Aymani Kadyrov ay iyana ballan qaaday in ay ilmo kasta oo gabadh ah oo dalkaasi ku dhalata oo loo bixiyo mid ka mid ah magacyada haweenkii Rasuulka Mudan NNKHA (Ummahaatul Mu’miniin) iyana la siin doono 1000 doollar oo abaal marin ah.

Warbixintan oo ay idiin soo turjuntay shabakadda Tusmoonline waxa ay intaasi ku daraysaa in Sidoo kale Jimciyadda Sama Falka ee Madaxweynaha Chechnya hooyadii aasaastay ayaa ku dhawaaqday in ilmo kasta oo nin ah oo loogu magac daro 10-kii asaxaabti ee Jannada loogu Bushaareeyey ay sidoo kale ku abaal marin doonaan lacag dhan 1000 dollar. Arrintan xiisaha leh oo ay shalay baahisay wakaaladda wararka ee wadanka Ruushku, ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Chechnya si weyn looga xusay xuska Mawliidka Nabiga. Shacabka wadanka Chechnya oo ah muslim Sunni ah, haystana mad-habka Shaaficiga ayaa arrintan Madaxweynahoodu uga jeedaa sidii shacabka dalkaasi loogu dhiirri gein lahaa in ay ubadkooda ula baxaan magaca Nabigeena Muxamed, Xaasaskiisii iyo Asaxaabtiisii Qaaliga inagu ahaa waana mid ka mid ah calaamadaha muujinaya in dalkaasi ku dhegsan yahay diinta Islaamka

Comments

comments