Somaliland: Weftigii Ku Sugnaa Isu-tagga Imaaraadka Carabta Oo La Kulmay Boqorka Raysal Khayma Xukuma.

Date:

Weftigii Jamhuuriyadda Somaliland, kuna sugnaa Dubai, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay boqorka xukuma Raysal Khayma oo kulan balaadhan la yeeshay weftigii Somaliland ee halkaa u joogay meelmarinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen 05/09/2016, Somaliland iyo Shirkada DP World.

weftigaasi oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibeda, Qorshaynta Qaranka, madaxtooyada, Maaliyada, Maayarka Magaalada Berbera, Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Kulankaas oo daarnaa dardar gelinta iyo dhiirigelinta hawlaha maalgashi ee ka socda dalka Somaliland, iyadoo uu boqorku ka mid yahay dadka sida gaarka ah ugu xidhan Somaliland, kuna dhiiraday inuu maalgashi ka sameeyo gudaha JSL, hadday noqoto shirkada sahaminta shidaalka ee RASGAS, kuna sugan JSL, hadday noqoto arrimaha dhoofka xoolaha oo uu sheekhu ka mid yahay masuuliyiinta maxjarka Al-jaabiri ee xaruntiisu tahay Berbera, iyo isagoo sheekhu marwalba la barbartaagan taakulo iyo dedaal dheeriya jaaliyada reer JSL ee ku dhaqan halkaasi.

Arrimahaas oo ay weftigu uga mahadnaqeen ka dib waxa ay weftiga Somaliland uga warameen arrimaha la xidhiidha heshiiskii DP World ee ay ku maalgelinayso dekeda Berbera iyagoo u soo jeediyey una taabtay in ay shirkadaha Raysal Khayma ay u furayso inay dhankooda ka qaybqaataan haday tahay kuwa bangiyada, macdanta, arrimaha caafimaadka, iyo waxbarashada ee degen raysal khayma ay yimaadaan JSL oo ay maalgashadaan dalka.

Ugu dambayntii weftiga JSL waxay uga mahadceliyeen sheekha sida uu u barbartaagan yahay arrimaha maalgashiga ee ka socda JSL, waxaanay sheekha ku hambalyeeyeen kuna dhiirigeliyeen inuu halkaa ka sii wado hawlaha, isla markaana uu fursado siiyo ardayda ka qalinjebisa Jaamacadaha Somaliland, siiyana fursado ay ugu shaqo tagaan Raysal Khayma iyo inay sii wataan aqoontooda waxbarasho intii u baahani, kulankaasi oo ahaa mid ku soo dhamaaday is fahan iyo guul labada dhinacba ay isla garteen arrimahaa kala duwan.

Xubnaha Weftiga ee la kulmay boqorka ayaa ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Maayarka Magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) Maareeyaha Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir iyo Safiirka JSL u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Amb. Baashe Cawil Cumar.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...