Telefishanka caanka ah ee Sky Sport ayaa Khiyaameeyey taageerayaasha Kooxda Manchester United maalmo ka hor kulanka adag ee United iyo Man City ee wareegga 4-aad ee horyaalka Ingiriiska kadib markii ay diyaariyeen qorshe ila qosol ah iyaga oo keenay nin aad ugu muquaal eg Ibrahimovic oo ay u soo xidheen dharka uu Ibra u xidho kooxda timahana u soo habaystay qaabkiisa.

Qaab la yaab leh ayay uga yaabsadeen taageeraaysha ka dib markii nin aad ugu muuqaal dhaw Zlatan Ibrahimović ay ku soo wareejiyeen waddooyinka Man United .

Arinta sida weyn ugu qasabtay dadweynihii in ay aaminaan in ninkaas ahaa Zlatan ayaa ah in xittaa uu timaha u habeystay sidii Zlatan iyadoo uu soo xidhay funaanada Manchester United oo ku xardhan yahay magac iyo Number-ka Zlatan .

Balse ninkaas u shaqeeya Sky Sports ayaa ku war galiyay dadkii sawirada iskala qaadayay walibana qaarkood laabta galinayeen jacayl ay xiddigan u qabaan awgeed in aanu aheyn Zlatan markaas ayay qosol la dhacayeen. marka ay sawirro la galaan ee laabta galiyaan ayuu ugu dambayn u sheegay in aannu ahayn Zlatan oo ay kamaradda eegaan.

Comments

comments