Kadib markii in badan warbaahinta caalamka qaar ka mid ahi warbixino ka diyaaryeen nin u dhashay wadanka Talyaaniga oo muddo ku noolaa caasimadda dalkaasi Burundi ee Bujumbura oo gurigiisa ku kaydsan jiray in ka badan 40 qalfoof oo madaxyo aadame ah ayay ciidamada dalkaasi u suurta gashay in ay baadhitaan kadib gacanta ku soo dhigaan ninkaasi oo ay baadhitaano qoto dheer ku sameeyeen ujeedada uu ninkaasi sannadaha badan u keydsanayay qalfoofka madaxyada dadka, waxaana gurigiisii uu deganaa laga soo saaray qasnado waaweyn oo ay ku jiraan in ka badan 36 qalfoof oo madaxyo dad ah kuwaasi oo si weyn loo ilaaliyey laga dhawray burbur ku yimaad.
Bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ninkan oo la baxay macaga Josephia Bafaro lagu qabtay Madaarka Bujunbura ee dalka Burundi isaga oo wadanka Thailand u tahriibinaya laba Madax qalfoofkood wakhtigaasina la fahmi waayay sababta uu dalka Thailand ugu dhoofinayay labadaa madax ee qalfoofka ah halkaasina ay ka dhalatay shakiga ninkaa laga qaaday oo keenay in markii dambe gurigii uu deganaa baadhitaano waaweyn lagu sameeyey laguna soo faqay madaxyo ka badan 36 qalfoofka. Baadhitaano badan oo boolisku arrinkan ninkan ku sameeyeen ayaa durba lagu ogaaday in uu ninkani markii ugu horaysay dalka Burundi soo galay 10-sano ka hor isaga oo guri qurux badan ka kiraystay magaalada Bujunbura ee caasimadda dalka Burundi. Mudadaasina uu si hoose u iibsan jiray qalfoofka madaxyo aadame isaga oo baadhitaankan lagu ogaaday in uu halkii qalfooof ahba ku iibsan jiray inta u dhaxaysa 40-dollar illaa 50-dollar, ugu yaraan dhawr jeerna uu dalalka Maraykanka iyo Thailand u iib geeyey Madaxyo qalfoof ah kuwaasi oo uu ku iibiyey midkiiba qiimo lacageed oo u dhaxeeya 300-dollar illaa 700 oo dollar. Baadhitaanka ninkan lagu sameeyey ayaan caddayn cidda uu ka iibsan jiray iyo cidda uu ka iibin jiray ee dalalka Thailand iyo Maraykanka balse waxa la xaqiijiyey in ay madaxyadani ahaayeen kuwo ka hadhay dagaaladii sokeeye ee dalalka Burundi iyo Rwanda ka dhacay sannadihii sagaashamaadkii. Ninkan ayaa loo gudbiyey xabsiga.