Wiil 9-Jir Ah Oo Loo Diiwaan Geliyey Imaamkii Iyo Khadiibkii Ugu Da’ Yaraa Caalamka Islaamka

Date:

Taariikhda inta la og yahay Imaamkii ugu yaraa dunida islaamka ee dad Imaam iyo Khadiib u noqday ayaa laga diiwaan geliyey Wadanka Urdun kadib markii uu halkaasi ka soo baxay Wiil yar oo da’diisu tahay 9 sano jir kaasi oo loo aqoonsaday Imaamkii ugu da’yaraa dunida Islaamka ee dadka Imaam u noqda. Sida uu ku soo warramayo wargeyska Dastuur oo arrinkan wax ka qoray wiil yar oo lagu magacaabo Anas ayaa noqday Imaamka iyo Khadiibka Masjid Jaamaca weyn ee Masjidul Ibraahiimi ee ku yaalla caasimadda wadanka Urdun ee Cammaan.

warkan oo ay idiin soo turjuntay shabakadda tusmoonline.com waxa uu intaasi ku darayaa in Wiilkan yar ee Anas la sheegay in da’diisu aanay wali u buuxsamin gu’giisiisii sagaalaad ahna wiil yar oo xaafidul Qur’aan ah dhammaana soddonka Jis ee Qur’aanka dusha ka haya sidoo kale xafidsan Axaadiis iyo waliba isaga oo aad u bartay kutub badan oo shareecada Islaamka ah illaa loo magacaabay in uu noqdo Imaamka Masaajidkaasi. Masaajidka Al-ibraahiim ayaa ku yaalla deegaanka Saalixiya ee Caasimadda Cammaan waxaanay dadka deegaankaasi degani ku qaabileen go’aanka wiilkan imaamka lagaga dhigay qalbi furnaan iyo farxad aad u ballaadhan. Wargeyska Al-dastuur oo arrinkan ka warramayaa waxa uu sheegay in dadka dega deegaanka uu masaajidkan ku yaallaa aad u soo dhaweeyeen in ay arkaan wiil yar oo 9jir ah oo imaam u noqday si ay ubadkoodu ugu daydaan taasi oo keentay in ubadkii xaafaddaasi iyo guud ahaan caasimadda Urdun ku noolaa waalidkood ku dhiirradeen in ay ubadkooda diinta baraan waxaana si weyn kor ugu kacay ubadka yaryar ee masaajidada iyo goobaha cilmiga shareecada si weyn loo gaynayo. Anas ayaa ah wiil yar oo 9-jir ah waxaanu salaadda tukiyaa dadka shanta wakhti isaga oo waliba khudbadda salaadda Jimce akhriya waxaana ku soo xidhmay dadweyne aad u badan oo soo buux dhaafiya Masaajidka Al-ibraahiimi ee wiilkan yari khadiibka ka yahay. Iyada oo la sheegay in uu hawlihiisa kale ee caadiga ah iska wato sida tacliintiisa aasaasiga ah ee dugsiga iyo waliba in uu si caadi ah ula ciyaaro ubadka kale ee ay isku filka yihiin.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...