Nuxurka Laba Qodob Oo Ay Isku Maandhaafeen Shirkada DP World Iyo Xukuumadda Somaliland.
Warar xog ogaal ah oo uu geeska Africa helay ayaa sheegaya in heshiiska oo ay ahayd in saddex maalmood ka hor la saxeexo uu dib u dhacay kadib markii laysku fahmi waayay qodobo ku jirey heshiiska oo ay dawlada Somaliland ka booday.
Qodobadan sida wayn layskugu maandhaafay waxa kamid ah
- Soo jeedin ay shirkada DP World soo jeedisay in heshiiska lagu daro oo ah inay heshiiska qayb ka noqoto dawlad aanay magacaabin balse ay sheegtay in dawladaasi oo heshiiska qayb ka noqotaa ay dani ugu jirto Somaliland iyo Dp World,Dawladan ayay Dp World ku sheegtay dawlad miisaan leh oo shixnadeeda marsan doonta marsada berbera,waxaanay DP World soo jeedisay in dawladaas oo ay ku tilmaamtay istaraatiiji la siiyo 15% ,hase’yeeshee masuuliyiinta dawlada Somaliland ayaa ka gaws adaygay inay aqbalaan balse lama hubo go’aanka aakhirkii laysla qaatay ee heshiiska lagu daray.
- Qodobka labaad ee isna laysku seeganaa mudada dhawrka cisho ah ayaa ahaa xaqul qalinka looyarada Dp World ayaa soo bandhigay qodob sharci ah oo ay sheegeen inuu yahay mid caalami ah isla markaana nuxurkiisu yahay in maalinta heshiiska la saxeexo lix bilood ka dib la bixiyo lacagta xaqul qalinka ah si mudadaaas loo eego sida xaalku noqonayo,Hase’yeeshee waxa arinkaasi ay u cuntami wayday oo diiday masuuliyiintii dawlada Somaliland ka socday,waxaana aakhirkii laysla qaatay in lacagta la bixiyo saddex bilood ka dib saxeexa heshiiska.
labadan qodob ayaa ahaa labada qodob ee lagu muransanaa isla markaana laysku maandhaafsanaa ee dib u dhigay saxeexa heshiiska dekeda berbera