Jamie Vardy ayaa shaaca ka qaaday sababtii ka danbeysa inuu si lama filaan ah isaga diido Arsenal oo uu ku sii joogo Leicester City.
Vardy ayaa iska diiday Gunners intii uu la maqnaa xulka England ee ka qeybgalayay tartankii Euro 2016.
Waxa uu yiri: Qolka huteelkeyga ayaan ku jiray saacado badan maalin walba iyadoo aysan jirin wax aan sameynayay.
“Waqti badan ayaan heystay. Waxaa si dhab ah uga fekeray wax walba haba yaratee, xitaa isbedelka ku imaanaya islaanta shaaha waan ka fekeray.
“Waxaan ka fekeray waxa dhici kara iyo waxa aan dhici karin, meesha aan joogi karo iyo meesha aanan joogi karin.
“Mar walba oo aan ka fekero waxyaabaha yaryar, madaxeyga iyo qalbigeyga waxa ay oranayeen ‘waxaad u baahan tahay inaan sii joogto Leicester City’.”
Vardy ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan iska horimaanayay Arsene Wenger huteel kasta oo aan joognay intii uu socday tartanka Qaramada Yurub, waxaan iska hornimid xitaa markii aan diiday.
“Ma aysan aheyn wajigabax. Kaliya ‘hello’ ama ‘Sidee tahay?’ ayuu xaalkeenu ahaa.
“Waa go’aankii ugu weynaa ee aan sameeyay intii aan ku xamaalanayay kubada cagta, inkastoo aysan aheyn waqti dheer.
“Laakiin Leicester waa ay sii kaceysaa, waxaana qabaa inaa sii wadi doono sarre u kaca. Waxaan nahay sida hobolo walaalo ah.”