“Si Looga Maarmo Baahida Loo Qabo Ardayda Arabsiyo Iyo Hargeysa Laga Soo Qaadayo, Waxaanu Rejaynaynaa Mustaqbalka In Aanu….”
Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Madaxweynaha Hortiisa Kaga Sheekeeyey Qoddobo Lagu Xusuusan Doono Hoggaamintiisa
Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse ayaa Ka warramay amuurro taariikhda u gali doona Madaxweynaha Somaliland oo uu ku tallaabsaday mudaddii uu xilka qaranka hayay. Wasiir Shucayb waxaa uu sheegay in isaga oo afka gobolka Gabiley ee uu deegaan ahaanta ka soo jeeda ku hadlaya uu uga mahad naqayo madaxweynaha guullo waxqabad ee uu guud ahaan dalka ka hirgeliyey gaar ahaanna gobolka Gabiley, kuwaas oo uu qaarkood soo qaatay. Madal Ilyartu is qabatay oo madaxweynuhuna goob joog ka ahaa oo wasiir Shucayb khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka sheekeeyey kaalinta uu Madaxweynuhu ka qaatay isku xidhka bulshooyinka wada dega deegaammada gobollada Awdal, Gabiley, Hargeysa iyo guud ahaanba gobollada dalka. “MAdaxweyne aad iyo aad bay reer Gabiley mar walba kuu soo dhawaynayaan oo xataa markii ay xalay [habeenkii ka horeysay qalinjebinta] maqleen in aad Gabiley u imanayso ka qayb galka qalinjebinta jaamacadda soo jeed iyo farxad iyo damaashaad bay u ahayd oo waxay sugi kari la’aayeen intaad gobolka Soo gaadhayso oo waxaa ay safaf u taagnaayeen min Caabudla illaa halkan aynu maanta taagannahay”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Shucayb oo khudbaddan ka jeediyey qalinjebintii dufcaddii afraad ee ka qalinjebisay jaamacadda Timacadde oo toddobaadkii inna dhaafay ka qabsoontay xarunta Gabiley. Waxaanu intaa ku daray “Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa dhawr qoddob oo lagu xasuusanayo MAdaxweynaha JSL oo taariikhda u geli doonta; “Sida aad la socotaan madaxweynuhu talada dalka waxaa uu la wareegay iyadoo xaaladda dhaqaalle ee dalku ay aad iyo aad u adagtahay, waqtigaas waxaa ay miisaannadiyada dalku ahayd 47 Milyan oo dollar duruufo badanina way jireen, Maantana waynu ogsoonnahay in ta ay miisaaniyadeenu tahay, run ahaan iyada oo laga faa’iidaysanayo khibradda iyo waayo aragnimada dhinaca dhaqaallaha ee madaxweynuhu leeyahay waxaa shan jeer is libin laabay isla markaana korodhay miisaanniyadii qaranka, oo maanta maraysa oo maanta ku dhaw inay gaadho illaa Saddex Boqol oo milyan oo dollar, taasi waxay keentay in waxqabad muuqdo oo taariikhda gala uu madaxweynuhu dalka ka hirgeliyo, hadday noqoto mushaharka shaqaallaha ee la kordhiyey, hadday noqoto derejo bixinta ciidammada, dhismaha waddooyinka dalka iyo madaarrada, caafimaadka iyo haddii ay noqoto doorar kale oo muuqdaba”. Sidaasi ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda warshadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse. Sidoo kale waxaa uu wasiirku xusay halbeegga ay masuuliyiinta qaranka kaga jiraan dhalinyarada hablaha ah laga qayb galiyey talada dalku, kuwaas oo uu ku cabiray in ay yihiin tiradii ugu badnayd ee soo marta dalka “waxaa xusid mudan in madaxweynuhu tiradii ugu badnayd ee hablaha qaaliga ah ee reer Somaliland uu shaqo siiyey ama digreeto uu ku magacaabay”. Dhinaca kale mar uu ka hadlayay waxqabadyada ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka hirgelisay gobolka Gabiley waxaa uu yidhi “Waxaanu leennahay madaxweynaha Gobolkan wax badan baad ka qabatay hadday noqoto wadadii isku xidhaysay Wajaalle iyo kala baydh oo waagii hore waqti badan loo socon jiray raf awgeed immika waxaa lagu tagaa muddo labaatan daqiiqo ka yar, magaallada Dila waxa lagaga soo noqdaa in ka yar labaatan daqiqo, isku xidhkii bulshooyinka gobolladanina aad buu u kordhay iyadoo marka horeba ay jireen cillaaqad cariiq ahi” ayuu yidhi wasiir Shucayb. Dhinaca kale Guddoomiyaha Jaamacadda Timacadde University ee magaallada Gabiley Dr. Cismaan Yuusuf Magan oo khudbad dhinacyo kala duwan khusaysay ka jeediyey xafladdii Qalinjebinta dufcaddii 4aad ee Jaamacaddaas ka qalinjebisay toddobaadkii hore oo madaxweyne Siilaanyo Shahaadooyin guddoonsiiyey kana qayb galay foolladayntooda, ayaa ka hadlay himillooyinka ay mustaqbalka rejaynayaan in ay jaamacad ahaan gaadhaan iyo qorsheyaashooda u degsan. Guddoomiyaha Jaamacadda Timacadde waxaa uu sheegay in ay sookordhiyaan dhawaan kulliyado ay kamid yihiin Saxaafadda iyo culuumta warbaahinta kuwaasina ay wax ka tari doonaan xirfadda warbaahineed ee bahda saxaafadda Somaliland. Guddoomiye Magan waxaa uu hoosta ka xariiqay in dhawaan ay doonayaan in ay jaamacadda ku soo kodhiyaan qayb ay ardayda wax ka baranaysaa u hoyanayso iyaga oo tacliintooda wata [Boarding] si buu yidhi looga maarno masaafada ay ardayda ka imanaysa deegaannada ka baxsan magaallada Gabiley ee waqtigu kaga baxo inta ay soo socdaan ama sii socdaan. Khudbadda Guddoomiyaha Jaamacaddu waxaa ugu horeyn uu kaga hadlay nidaamka loo maray ardayda ka qalinjebisay jaamacadda iyo sida loo hubiyey tayadooda “Markaan arkay diiwaangeliyaha [registrar] jaamacaddu derejooyinkii [grades] ardaydu keeneen ee uu hadda hormoodka [dean] jaamacaddu ii soo gudbiyey, aniguna aan ku qancay qoraalladii iyo dhukumentiyadii gradeskooda ee la ii soo gudbiyey, waxaannu mudane madaxweyne qiraynaa in ardaydan hortaada joogtaa shahaadooyinka digriiga iyo dibloomooyinka iyo dhibcaha derajooyinka ku suntan.” Sidaasi ayuu yidhi guddoomiyaha Jaamacadda Timacadde University ee xarunta gobolka Gabiley Dr. Cismaan Yuusuf Magan, waxaanu intaa ku daray isaga oo baaq u diray bulshada reer Somaliland “ Ummada Somaliland oo dhan waxaa looga fadhiyaa in ay ardaydan soo dhaweeyaan sidii lagu hawl galin lahaa”.
Geesta kale Dr. Magan, Guddoomiyaha Timacadde University waxaa uu guud mar ku sameeyey mustaqbalka ay jaamacad ahaan higsanayaan iyo qorsheyaasha u degsan kamidho dhalinta himillooyinkooda “Waxaan jecelahay inaan wax ka taataabto mustaqbalka waxa aanu higsanayno, waxaana weeye marka hore in la xoojiyo kulliyadaha jaamacadda ee hadda jira tayadooda, taasoo wasiirka waxbarashada iyo wasaaradda waxbarashadaba aanu si fiican uga wada shaqayno. Sidoo kale waxaanu higsanaynaa in la abuuro degriigii labaad [Master] maadaama oo digriigii koowaad la gaadhay, mustaqbalka dhawna la bilaabo. Waxaa jirta oo iyadana loo baahan yahay baahi weynna loo qabaa si looga maarmo ardayda Arabsiyo iyo Hargeysa laga soo qaadayo ee jaamacadda dhiganaya in Jaamacaddu ay hoy waxbarasho [Boarding] yeellato, mustaqbalkana waanu rejaynaynaa haddii aalla idmo. Waxaa kale oo aan jecellahay inaan baahiyaha jaamacada ka hadlo kuwaas oo ay ugu horreeyaan LABKA Jaamacadda Timacadde qabto kaasi oo ay ardayda Kulliyadda Sayniska iyo kulliyadaha kale baahi weyn u qabaan”. Sidoo kale Waxaa uu guddoomiyuhu ugu bushaarreeyey bahda warbaahinta in ay rejaynayaan in ay soo kordhiyaan kulliyadda saxaafadda “Waxaanu rejaynaynaa oo aan reer Somalliland guud ahaan iyo gaar ahaanna bahda saxaafadda u sheegayaa in ay mustaqbalka Jaamacadda Timacadde ay noqoto Somaliland oo dhan meeshii Journalists-ka [Suxufiyiinta] wax lagu barayay.” Khudbadda Guddoomiyaha Jaamacadda Timacadde oo aad u dheerayd meello kala duwanna khusaysay waxaa uu gebogabadii hadalkiisa dardaaran u jeediyey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qarankaba “waxaan jecellahay inaan jeediyo dardaaran, marka ugu horreysana waxaan la dardaaramayaa ardayda Jaamacadda Timacadde ka qalinjebisay, waxaanan leeyahay Alla ka cabsiga badiya oo illaahay Swt ka baqa, marka labaadna xaqa wadankiinu idinku leeyahay ogaada oo noqda dad muwaadiniin ah oo ka dheeraada saddexda shay ee wadankeenna wada baabi’iyey ee Xarafka ‘Q’ ka wada kaca, kuwaas oo kala ah Qudhunka, Qabyaalladda iyo qabiilka ah.”.