Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa tilmaamay in heerka La Liga uu aad u hooseyso oo ay Barcelona soo safi karo ciyaartoydooda kooxda B kala bar kulamada La Liga ee ay ciyaaraan.
Klopp ayaa sidoo kale la yaabay dhiirogelin la’aanta ka muuqatay kooxda Blaugrana markii ay kulan saaxiibtinimo kula ciyaarayeen garoonka Wembley.
Wareysi uu siiyay Daily Mail, tababaraha Jarmalka waxa uu la barbardhigay horyaalka heerka koowaad ee Spain sida kulamo tababar ah.
“Farqiga ugu weyn ee Spain ayaa ah in Barcelona ay ku ciyaari karto boqolkiiba 50 kulamadooda kooxdooda Barca B.
“Messi wuxuu ordaa 4.3 kiilomitir, waxaana ay dhaliyaan shan gool – waa sida tababar soo kabsasho la sameynayo.
“Taasi kama dhacdo England.
“Waxaan kula ciyaarnay iyaga Wembley, markii ay ciyaartoyda tunnel-ka taagnaayeen waxa ay ahaayeen kuwa caajis uu ka muuqdo, isjimcinaya islamarkaana meelaha iska fiirfiirinaya.
“Waan badinay laakiin waa ay dhalin karaan shan gool.”
Klopp ayaa tababare u ah Reds tan iyo bishii October ee sanndkii hore, waxaana uu aaminsan yahay inuu yahay ninka ku haboon ee hore u wadi kara kooxda.
“Kooxda waxa ay u baahan tahay joogteyn kursiga keydka ah, qof toosan, qofkaas ayaana ahay.
“Ma dhahayo waxaan ahay tababaraha ugu fiican dunida laakiin waa yara fiicanahay.”
Isagoo hoos ka xariiqayay xiriirka xoogan ee kala dhaxeeya kooxda Anfield ka dhisan, waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:
“Ma aheyn go’aan adag, waxa ay ahaayeen kooxda kaliya ee fasaxeyga iga soo wadi kartay.
“Waxaan helay dalabyo badan laakiin waan diiday ilaa iyo Liverpool ay ii timid.
“Waan jeclaaday kooxdaan, midabada, garoonka, taageerayaasha…. waa cajiib.”