David Luiz Oo War Ka Soo Saaray Wararka Sheegaya Inuu Aflagaadeeyay Horyaalka Faransiiska Ka Dib Markii Uu Ku Soo Laabtay Chelsea.

Date:

Daafaca Chelsea David Luiz ayaa ku tilmaamay hadalo aflgaado ku ah horyaalka Faransiiska oo isaga loo saariyay inay yihiin been iyo ixtiraamdarro, waxaana uu sheegay inuu ixtiraam weyn u hayo kubada cagta Faransiiska.

Luiz oo 29 sanno jir ah ayaa maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ku soo laabtay Stamford Bridge ka dib labo sannadood uu ku qaatay kooxda horyaalka Faransiiska heysata ee PSG.

Markii uu soo laabanayay, waxaa baraha bulshada la soo dhigay hadalo loo saariyay inuu yiri Luiz oo ahaa: “Inuu labo sannadoo uga soo qasaaray horyaalka Ligue 1, waa sida adigoo heerka bilowga ah ku ciyaaraya ciyaar gacmeedka FIFA”

Luiz ayaa beeniyay inuu bixiyay war wareysi ah oo arinkaas ku aadan ka hor inta uusan xusin inuu ixtiraam u hayo kubada cagta Faransiiska.

“Taageerayaasheyda qaaliga ah, waxbaan kala cadeynayaa! Iska jira!” ayuu ku bilaabay Luiz warbixin uu soo dhigay Facebook.

“War la soo dhigay booga Twitter ee @SunGossip iyo bogga Facebook ee @oddsbibletips iyo mid la soo dhigay bogga Instagram ee @visubal ma ahan run.

“Waxay soo qoreen waa wax been abuur ah, waa wax ixtiraamdarro ku ah horyaalka Faransiiska. Lama aanan hadlin akoonadaas, mana aanan bixinin wareysi aan sidaasi ku oran karo.

“Waxaan ixtiraam weyn u hayaa dhamaan xiriirka kubada cagta Faransiiska, kooxaha kubada cagta, ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

“Kama soo horjeedo xoriyada hadalka, waana ogahay qiimaha ay leedahay in wax si cadaalad ah loo qoro. Laakiin ka digtoonaada qoraalada ay sameynayaan bogagaan”

“Haddii aad faraxsan tahay waxaad tahay Geezer!”

“Mahadsanidiin dhamaan!”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...