Lena Larsen waxa ay in muddo ah ku mashquulsanayd meel ay nafteedu ku xasisho oo ay ka hesho daganaansho iyo raaxo nafsiyeed oo ma guurto ah. Waxa ay in muddo ah ku noolayd nolol cidhiidhi ah oo aan haba yaraatee wax farxad ah lahayn. Meel kasta oo iyo goor kasta waxa ay raadinaysay nolol dhaanta ta ay ku jirtay oo markaasi ahayd nolol walbahaar iyo cidhiidhi nafsaani ahi biyo dhigtay. Waxa ay ku noolayd wadanka Norway oo ay asal ahaan ka soo jeedo. Muddo badan ayay meeraysan jirtay dhakhaatiirta cilmiga nafsiga ah bal in ay maareeyaan oo ay xal daawo ah u helaan nolosheedan cakiran ee ka sii daraysa ee walaaca iyo werwerku muquuniyeen. Wax kastaa waxa ay ku yimaadaan doonista allah SWT, haweenaydani waxa ay ka caal wayday wax kasta oo daawo iyo talo ah oo ay siinayeen dhakhaatiirteeda gaarka ahi. Maalin maalmaha ka mid ah ayay la kulantay haweenay ka mid ah jaaliyadda muslimiinta ee wadanka Norway. haweenaydan oo ay shakhsi ahaan isku yaqaaneen ayaa Lena Larsen ku qancisay in ay islaamka soo gasho oo ay ka xorowdo noloshan cidhiidhiga ah oo ay Allah SWT iyo rasuulkiisa Muxamed ah rumayso halkaasina ay ka heli doonto wixii ay raadinaysay. Haweenaydan oo ay Lena deris ahaayeen waxa ay ku guulaysatay oo ilaahay SWT u dhib yareeyey in ay hanato qalbigeeda oo ay si tartiib tartiib ah ugu soo dhawayso diinta islaamka. Lina oo wax laga waydiiyay wakhtigaasi sida ay ugu qanacday diinta islaamka yaa ku jawaabtay: “haweenay aanu jaar ahayn ayaa waxa ay ka shaqayn jirtay arrimaha gargaarka dadka aadbay u faraxsanayd waxa ay wakhtigeeda ku qaadan jirtay arrimaha ijtimaaciga ah gaar ahaan jaaliyadda islaamka ee Norway. Waxaan la yaabi jiray xidhiidhka wanaagsan ee ay bulshada la leedahay. Waxaan ku idhi maalin maalmaha ka mid ah: waa maxay waxa kugu khasbaya in aad ficiladan khayrka ah ka shaqayso? Waxa ay iigu jawaabtay: diintayda ayaa igu waanisay in aan sidan sameeyo. Intaa kadib ayaan go’aan ku gaadhay in aan barto oo aan badhitaano cilmi ah ku sameeyo islaamka. Waxaan ku dhawaaqay in aan rumeeyey Allah iyo rasuulkiisa. Inkasta oo aanan wakhtigaasi ka gudbin da’da 18-jirka hadana waxaan bartay oo aan si wanaagsan u diyaariyay qur’aanka kariimka ah. Waxaan helay xasilooni iyo nolol macaan oo aanan waligay helin intii ka horraysay.” Lena oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi: “Inkasta oo aan soo maray wakhtiyo adag, hadana ilaahay fadligii waxaan noqday haweenay diinta aad u baratay, waxaan masuul ka noqday golaha islaamka ee dalka Norway, waa markii ugu horraysay ee haweenay muslimad ahi mansabkan oo kale dunida ka qabato. Waxa kale oo aan noqday xubin ka mid ah guddida fatwada ee dalalka reer galbeedka.” Lena waxa ay nolosheedii ku dambaysay in ay ku waarto nolol ta ugu macaan uguna daganaansho badan. Waxa ay wakhtigan ku nooshahay wadanka Norweyn waana gabadh daaci ah oo diinta islaamka faafisa. Dadka diinta islaamka qaadanaya ee dalalka reer Yurub ayaa sannadihii ugu dambeeyey aad u soo badanaya waxaana ugu horreeya dalka Faransiiska iyo dalka Ingiriiska iyada oo ay ku soo biirayaan Scandinavian .
Waxa Ay Raadisay Nolol Degan Oo Farxadi Weheliso Waxaanay Ka Heshay Diinta Islaamka
Date: