Somaliland: Kulan Dhex Maray Maray Komishanka & Axsaabta Oo Lagu Lafo-guray Lixda Goobood Ee Lagu Muransan Yahay Diiwaangelinteeda

Date:

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shalay u yeedhay madaxda saddexda xisbi qaran ee Somaliland, si ay wax uga weydiiyaan diiwaangalinta ay ka qabanayaan lixda goobood ee lagu muransanyahay eek u yaalla xeebta waqooyiga Hargeysa. Kulankan oo ka dhacay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa ka qayb galay oo kaliya labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, waxaanay iyagoo wadajir ah wada weydiiyeen aragtiyaha ay ka kala qabaan inay diiwaangalintu ka qabsoonto lixdaas goobood ooh ore u xayirnaa. Labada Xisbi ayaa ku kala af-kaar duwanaaday inay Diiwaangalintu ka qabsoonto lixdaas goobood, waxaanu Kulmiye ku adkaystay in laga qabto, halka Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani isagu uu soo jeediyey in go’aan adag laga qaato goobahaas oo la caddeeyo gobolka ay ka tirsan yihiin iyo inay Doorashooyinka oo dhami ka wada dhacaan. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ooh ore u ogolaaday in Diiwaangalinta laga qabto deegaamadaasi ayaa u muuqda kuwo uu soo food-saaray walaac kaga yimi muranka ka aloosmay beelaha kazoo kala jeeda deegaankaas, iyo Dooda ay axsaabtu ka qabto, waxaana laga war sugayaa talaabada ay qaataan kadib marka ay rog-rogaan aragtiyihii ay ka heleen Axsaabta. Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka oo ay si fiican ugu soo qabsoontay Diiwaangalintii dhamaan goboladda Dalka oo dhan laga qabtay, ayaa lagu tijaabin doonaa inay arrintani caqabad ku keento iyo inay uga talaabsan karaan si caqliyadda ku dheehan tahay, waxaana laga sugayaa natiijo aan wiiqin wax-qabadkoodii goboladda kale ee dalka. Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaan isagu kulankan ka soo xaadirin, sidoo kale-na aan hore uga hadal Dooda culus ee ka taagan goobahaasi, waxaanu u muuqdaa mid ka baxay saaxada siyaasadda ee loogu baratamayo Doorashooyinka soo socda, maadaama oo la isku haysto isla markaana Dacwadiisu ka socoto Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...