Somaliland: “Siciid Maxamuud Gaheyr Waxa ‘ILAAHAY Ka Cabso’ Ku Xidhay Wasiirka Madaxtooyada” Barkhad Jaamac Xirsi.

Date:

Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ku eedeeyay Xadhigga qoraa Siciid Maxamuud Gaheyr oo muddo toban Maalmood ka badan ku xidhan Hargeysa.

Barkhad Jaamac Xirsi oo Xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay in Siciid Maxamuud Gaheyr oo ka mid ah Qorayaasha reer Somaliland, sidoo kalena ahna Suugaanyahan lagu xidhay Amar ka soo baxay Wasiirka Madaxtooyada, ka dib buu yidhi markii Qoraagu uu Warbaahinta ku baahiyey qoraallo uu kaga hadlay in Wasiirka Madaxtooyadu faro-gelin ku hayo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Siciid muddo Laba Toddobaad ah ayuu ku xidhan Xarunta Ciidanka dambi-baadhista ee CID-da, xadhiggiisuna wuxuu ku taxaluqaa inuu aragtidiisa ku cabbiray qoraal uu ku baahiyey Internet-ka, kaas oo uu kaga hadlay Tacaddi iyo dulmi ay Dadka deegaanka Masaluhu ka sheeganayaan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ay leeyihiin wuxuu khalkhalinayaan Wasaaradda Duulista Hawada oo ay yidhaahdeen Wasaaradda Duulistu ha u Madax-bannaanaato Nidaamkeeda Maaliyadeed oo faro-gelinta haka daayo Wasiirka Madaxtooyadu. Markaa Siciid wuxuu qoraalka uu baahiyey ku soo gabogabeeyay Maxamuud Xaashiyoow Nin Wadaad ahna waad ahayd ee Ilaahay ka cabso, markaa waxaan leeyahay Maxamuud Xaashiyoow haddaad Dadka ku xidhayso ILAAHAY ka cabso anigaa ku leh ILAAHAY ka Cabso.”

Xoghaye Barkhad, wuxuu baaq u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, “Siciid Maxamuud Gaheyr Xanuunka Macaanka ayuu leeyahay, Muddo ayuu xidhan yahay, Waaran Maxkamadeed oo lagu xidhay ma jiro, Maxkamad la horgeeyay ma jirto, waanu ku booqanay CID-da, waa la noo diiday oo waxa lana yidhi uma gelaysaan, Waayo? waalla Cabudhinayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Arrintaasi waa nidaam daro halkii ugu dambaysay, waxaana muuqata in Nidaamkii dawladdu isku beddelay dilaalnimo iyo daneysi, markaa waxaanu ugu baaqeynaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare inuu xorriyaddiisa u soo celiyo Muwaadinkaa uu Xorriyaddiisa ka qaaday Wasiirka Madaxtooyadu.”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu wax ka waydiiyo eedaymaha ku xidhiidhiyey Xadhigga Qoraa Siciid Maxamuud Gaheyr, ayaanay noo suurto-gelin inaanu hello.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...