Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beesha Caalamka Oo Si Weyn Isugu Maandhaafsan Kala Qaadista Labada Doorasho Ee Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa si adag isugu maandhaafsan kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo hore la iskugu raacay inay wada jir u qabsoomaan March 2017, balse hadda la filayo in la kala qaado.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Siilaanyo golaha guurtida u gudbinayo dhawaan soo jeedin uu ku dalbanayo in muddo laba sannadood ah loo kordhiyo golaha wakiilada, taas oo macnaheedu yahay in dib loo dhigo doorashada wakiilada oo la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo wakiilada. Madaxweynaha ayaa la tilmaamayaa inuu soo jeedintiisa ku salayn doono saami qaybsiga iyo xeerkii golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa oon goluhu meelmarin.

Hase yeeshee, Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiiyeen farriin nuxurkeedu yahay inaanay marna aqbali doonin in la kala qaado labada doorasho oo mar saddexaad muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada, taas oo ay ku tilmaamayaan dib u dhac halis gelinaya geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay tilmaamayaan in dalalkan oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya qaadi doonaan talaabooyin ay kaga jawaabayaan haddii la kala qaado labada doorasho.

Si kastaba ha ahaate, haddii uu Madaxweyne Siilaanyo go’aan ku gaadho in la kala qaado labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada, waxa beesha caalamka iyo Somaliland u bilaabmi doona isfaham waa’, waxaanay dadka xidhiidhka caalamiga ah falanqeeyaa tilmaamayaan suurtogalnimada dagaal diblomaasiyadeed oo ay beesha caalamku la beegsato xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...