Sida uu ku soo warramayo wargeyska Al-Iqtisaadiya, Dr. Maxamed Baguda oo ah maamulaha warshadda samaysa marada madaw ee la huwiyo dhismaha kacbada barakaysan oo hoos yimaad maamulka arrimaha masaajidka xurmada leh ayaa go’an ku gaadhay in ilaalo gaar ah loo sameeyo maradaasi lagu dahaadho kacbada si looga gaashaanto xujaajta ama dadka soo cimraysta ee caadaysatay in ay maradaasi jeexdaan oo ay qaataan. Dad badan oo sannad walba soo xaja ama soo cimraysta ayaa caado ka dhigtay in ay si hoos ahaana u jeexdaan inyar oo ka mid ah marada madaw ee kacbada ku dedan waxaanay taasi keentay in mar walba maradaasi dib loo soo samaeeyo oo lagu qaydo dhismaha kacbada sharafta leh.
Dr. Baguda oo u warramayay wargeyska Al-Iqtisaadiya ayaa yidhi sidan: “Sida caadiga ah ee taariikh ahaan waligeedba soo jirtay marada madaw ee kacbada waxa la cusboonaysiiyaa sannad walba bisha Dul Xajjah sagaalkeeda oo ah maalinta ka horraysa ciidda carafo waxaase sanadihii ugu dambeeyey isa soo tarayay dad xajka u soo cimraysta ama soo xajja oo marada inta ay u soo dhawaadaan wax ka goosta. “Hadiiba dad dhawr ahi marada goostaan waxa khasab nagu noqota in aanu tolno ama wax ka badalo. Si taasi looga gaashaanto waxa waajib nagu noqotay in aanu ilaalo gaar ah 24-kii saacadoodba u samayno” ayuu yidhi Dr. Baguda.