Maxay kala Yihiin Deegaannada Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex Ee la Isku Haystaa ?
Xukuummadda Somaliland, ayaa caddeysay in diwaangalinta codbixiyayaasha laga bilaabayo lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah, kuwaasi oo tan iyo wakhtigii Cod-bixintu ka bilaabantay Somaliland muran ka taagnaa.
Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuummadda Somaliland ay goobahaasi ka qabanayso Diwaangalinta codbixiyayaasha isla-markaana ay ka dhacayso doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka, balse aanay ka dhaceyn doorashooyinka Golaha deegaanka iyo Baarlamaanka Somaliland.
“Goobaha Waqooyiga waa laga bilaabayaa diwaangalinta codbixiyayaasha, waxaa laga qabanayaa doorashada Madaxwaynaha iyo ku xigeenka, laakiin golaha deegaan iyo baarlamaanka lagama qabanayo ilaa go’aan laga gaadhayo”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu farriin u diray Cid kasta oo isku dayda inay dagaal ka rido goobahaasi, “Xukuummadda wixii go’aan ah ee ay qaadato way fulinaysaa oo cidna kala tashan mayso, ninka ku baaqayaa arrintaasi ee leh dagaal ayaan ka xigaa isagaa og meesha uu dagaalka ka ridayo, dawladduna hadallada noocaasi ah fiiro gaar ah ayay u leedahay.”
Wasiirku waxaa uu sheegay in goobahaasi lagu muransan yahay ay ka dhacayso doorashada Madaxtooyada oo kaliya, balse aanay ka dhacayn doorashooyinka kale ee baarlamaanka iyo Golaha deegaanka, “Doorashada Madaxtooyadu way ka dhaceysaa, dadkii abaaruhu saameeyeen xaq bay u leeyihiin inay is diwaangaliyaan”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
Goobaha ay Xukuummadda iclaamisay in doorashada laga qabanayo, balse aanay hore uga dhici jirin ee Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex ah, ayaa waxay kala yihiin Ceel Sheekh, Cabdi Geeddi, Ceel La Helay, Hulka, Damasha iyo Bil-dhaalay.