Somaliland: Wasiirada Aanay Marna Taaban Seefta Isku Shaandheynta M/Siilaanyo

Date:

Hargeysa (Wargane News)- Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa uu golihiisii wasiirada ugu horeysay ee  xukuumadiisa uu magcaabey 07.28.2010 isla  markaana waxaa ay xukuumadaasi  ka  koobneyd 20 Wasiir iyo 6 Wasiir ku xigeen.
Markii uu madaxweynuhu sameeyey magacaabista   golaha wasiirada xukuummadiisa cusub intii uu talada dalka hayey waxaa uu sameeyey madaxweynuhu isku shaandheymo  badan kuwaas oo uu xilka kaga qaadayey masuulyiin uu hore u magacaabey , qaar  kalena fursad u siiyey in ay xukuumadiisa ka mid noqdaan ,  halka masuulyiinta qaarkoodna uu  ka bedelay booskii uu hore ugu magcaabey .
Hadaba waxa xusid mudan isla markaana ay shabakada Ilaysnews.com idiin soo gudbin doonta magacyada wasiiro  uu nasiibku u siiyey in aanay marnaba taaban seefta isku sheendheynta Madaxweyne siilanyo taas oo sabab u noqotey in masuulyiintani ay la cimri  noqodaan xukuumada Kulmiye oo hada talada  dalka haysa muddo ka badan 6 sanadood  waxaana ka mid ah masuulyiintan .
1.Wasiirka Gaashaniga Axmed Xaaji Cali Cadami :
waxaa  uu ka mid yahay  saddexda wasiir  ee aan xafiisyadooda  laga beddelin tan iyo maalintii Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegay  waxaannu madax ka yahay wasaarad aad u magac weyn, balse hoosta ka madhan  shaqaalaheeduna aanu ka badneen dhowr iyo labataan qof
Akhri :- Sababta La Filaayo In  Aan Xilka Looga Qaadin
Waa aftahan hadalkiisu u badan yahay kaftan duur-xul siyaasadeed xambaarsan iyo erey-bixino aan cid kale la wadaagin oo uu magacyo gaar ah u samaystay Waana  dhowr iyo toddobaatan jir ku abtirsada Maakhiriyiinta reer Sanaag ee aan guntooda la gaadhin
2.Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Xussen Cabdi Ducaale :
Waxa uu ka mid yahay wasiirrada loo yaqaan lama-taabtaanka ee aannu Madaxweyne Siilaanyo dib u eegin tan iyo markii uu magacaabay  waana  nin aamusan oo aan wax saamayn ah ku dhex lahayn loollannada siyaasiga ah ee dalka gudihiisa
Akhri :- Sababta La Filaayo In Aan Xilka Looga Qaadin
Muddadii uu xilka hayey waxa uu dedaal xooggan geliyey sidii shirkadaha waaweyn ee macdanta iyo shidaalka loogu dhiirrigelin inay maalgashadaan khayraadka dihin ee waddanka waana nin qaranka u shaqeeyey  naftiisana u shaqeeyey
masuulka saddexaad ee aanay marna  sahayan seefta isku shaandheynta madaxweyne siilanyo waa
3.Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
Waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii qoriga sitay ee qaybta ka soo qaatay halgankii SNM ee dib-u-xoreynta Somaliland oo uu dhowr jeer ku dhaawacmay
Akhri :- Sababta La Filaayo In Aan Xilka Looga Qaadin
waxaa uu ku  guulaystay muddadii uu xilka hayey inuu isu soo dhoweeyo qaybaha culimada ee marar badan isa-seeggu dhexmari jiray.
W/Q: Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...