Somaliland: Xildh. Cabdiqadir Jirde Oo Ka Hadlay Hankiisa U Xisbiga Waddani Ka Qabo Talada Dalka Iyo Quwad Jabka Xisbi,,

Date:

Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Isku Shaandhayntii Uu Sameeyey Madaxwayne Siilaayo,Wasiiro Magacaaba Wasiiro Kale,Dimuqraadiyadda Somaliland,Xaaladda Dalka,Iyo Hankiisa Xisbiga WADDANI

Hargeysa(Wargane News)August.25,2016-Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland kana tirsan xisbiga WADDANI ayaa walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed  ee ay Somaliland marayso,isaga oo xusay inay dabac wayni ka muuqdo hogaankii dalka taasi oo aan hadii is badal dhaba la helin shacabka Somaliland ku keeni karta niyad jab.

Xildhibaan Jirde waxa kale oo uu ka dayriyay isku shaandhayntii u danbaysay oo uu is waydiiyay cidda wasiiradda magacawda ee bedesha ama xilka ka qaada,waxaanu sigaar ah ugu hal qabsaday danta ku jirta wasaaradda duulista oo toban bilood gudahood maraysa saddex wasiir. Wuxuu jirde tilmaamay in la wada arkayo in wasiir badelayo wasiir kale.

Xildhibaanka oo uu wargeyska geeska Africa waydiiyay sida uu arko xaalada uu  maanta dalku marayo wuxuu yidhi.

“marxalad adag ayaa la gaadhay oo marxalad kala guur ah ayaa la galay,hogaankii dalkana dabac wayn ayaa ka muuqda,waa marxaladaha dadku uu dawladnimada iyo dimuqraadiyadda ka niyad jabo hadii aan la toosin,waxaynu arkaynaa maamul wakhtigiisii dhamaaday oo haddana heshiisyo 30 sanno ah galaya,heshiiskaasi oo wax badan oo mugdi ahi ku jiraan oo aan la sharaxin lagana jawaabin su’aalihii aanu baarlamaanka ku waydiinay oo la iska dhago mariyay oo aan wax jawaab ah nalaga siin oo aad moodo inay u eeg yihiin dad saacadii kasii dhacayso oo intaan saacadii ka dhicin kasii gaadhsiinaya,taladii dalka ee ahaan jirtay wada tashi iyo is qancintuna waxay kusoo ururtay qasriga madaxtooyadda.Taasina umadd badan oo yadidiilo qabtay in dalku horumari doono ay hadda shaki galinayaan xaaladda lagu jiro oo ay qabaan hadii aan sidaas wax laga badalin oo doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomin oo aan is badal dhab ah guntida loo xidhan in dadku niyad jabi doono.”

Xildhibaan Jirde oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya siyaasadd iyo barnaamij dhamaystiran in loo baahan yahay si losoo celiyo yididiiladii shacabka ee ahayd in somaliland gaadhi karto horumar wuxuu yidhi.

“Waxa loo baahan yahay siyaasadd iyo barnaamij dhamaystiran oo dalkan lagu badbaadiyo yididiiladii shacabkana dib loogu soo celiyo inay Somaliland horumar gaadhi doonto,ictiraaf gaadhi doonto iyo dadka oo isku niyad samaada gobol ahaan iyo beel ahaanba,taasina waxa lagu gaadhi karaa uun iyadoo nidaamkeena siyaasadeed dib u habayn xoog leh lagu sameeyo oo arinta sami qaybsiga sees adag loo dhigo mustaqbalka,arrinta guurtida oo Iyana maanta si ay tahayba aanay cidiba garanayn Iyana in qaraar laga gaadho oo aanay sidan iska si fadhiyin .Dimuqraadiyadu waxay ku burburtaa marka dadku ka niyad jabo ee yididiilo la waayo,si taas looga baxo markaas waa in talo fog laga yeeshaa Somaliland halkay u socoto iyo halkay u guureyso iyo halkay geediga u tahay mustaqbalka dhaw iyo mustaqbalka fog ba”.

Xldhibaan Jire oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa sida uu u arko wasiirada tirada badan ee madaxwayne Siilaanyo magacaabo  iyo isku shaandhayntii u danbeysay ayaa waxa uu  yidhi.

“waa mushkiladdaha ay leedahay markii ittijaahu lumo ee xukuumadda siyaasad hogaamisa la waayo ee ay noqoto uun waar maanta maxaa ina horyaala ee maxaynu hiigsanaynaa aan la iswaydiin ee taladu noqoto raga wadhaf malagu dayay,waa nin talo kale waayay,midda kale waxa iswaydiin muddan wasiiradda ayaa magacaaba maanta,wasiir magacaabaya wasiir kale ayaynu aragnaa,wasiir intii xilka ka qaado wasiir kale u badlaya wasaaradd kale ayaynu aragnaa waana la wada ogyahay oo saxaafadda waad ku wada aragteen niman badan oo ka faaloonaya oo leh wasaaradda duulista yaa horta badalaya oo magacaaba wasiiradeeda. Wasaaradda duulista saddex wasiir ayaa toban bilood gudahood soo maray oo mid waliba markii uu talaabo hor u socod ah is yidhaahdo qaad oo wax badal oo meeshii dib u habee in la odhanayo uun ina dhaafiya,markaa su’aashu waxa weeye wasiiraddan tirada badan cidda magacawda hala iswaydiiyo,maskaxda iyo talada ka danbaysa maxay tahay,xikmadda ay ku fadhido wasaaraddaasi ay tobanka bilood saddexda wasiir soo mareen ayaa inooga daliil ah in isku shaandhayntani ahayn mid caqli iyo cilmi ku fadhida ee ay tahay wax si kale loo adeegsanayo”

Cabdiqaadir Jirde oo wax laga waydiiyay xisbiga WADDANI iyo wada hadalo u socday taageerayaashiisa iyo xisbiga Waddani wuxuu yidhi.
“arrintaasi wada hadalka waddani iyo taageerayaashaydu meel wanaagsan ayay maraysaa ,anigu waxaan u sharaxanahay oo aan doonayaa inaan noqdo gudoomiyaha xisbiga WADDANI oo hadda meel wanaagsan ayay hawshaasi maraysaa” sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...