Somalia: “Maanta, Maalin Ay Soomaaliya Ka Liidataa Ma Jirto, Waayo Dadkii U Heellanaa Oo Dhami Wey Ka Niyad Jabeen”

Date:

Cali Khaliif Galeydh oo ka Dayriyay Xaallada siyaasadeed ee Soomaaliya Iyo Doorashada Madaxweynaha Xamar

Buuhoodle (Wargane News) –  Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galeydh ayaa niyad jab ka muujiyay xaalada nabad galyo daro ee ay abuuri karaan doorashooyinka Somaliya ka dhacaya sanadkan. Proffesor Cali Khaliif waxaa uu sheegay in doorashada Somaliya ee baarlamaanka iyo madaxweynuhu ay sababi karto xaalad siyaasadeed oo kacsan, dagaallana  ka dhici karaan Muqdisho iyo Banaadir islamarkaana uu ka niyad jabsan yahay nidaamka dawlada Somaliya lagu Maamulo. “Shirarkii u dambeeyay ee lagu qabtay Kismaayo iyo Baydhabo ee madasha wadatashiga marka la eego ma muuqato doorasho la qabanayo oo dhacaysa sida qorshuhu yahay”ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh waxaanu intaasi ku ladhey“ Doorashadani  werwerka iigu wayn waa  in qalalaase ka abuurmo Muqdisho iyo Banaadir ayaan ka baqayaa, waa la marin habaabiyay oo nabad galyadii ayaa faraha kasii baxday, bilihii ugu dambeeyay Muqdisho waxaa lagu dilay xildhibaano iyo wasiiro oo kuwii tuhunka dilalkaasi la galiyay waxay noqdeen  kuwo siyaasad shuqul ku leh”.  Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif, waxaa uu isbarbar dhigay siyaasada somaliya ee maanta iyo Nidaamyadii hore ee soo maamulay Somaliya.  “Maanta Soomaaliya maalin ay ka liidato ma jirto dawladihii soo maray, dadkii u heelanaa way niyad jabeen” ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh oo u waramayay Wariye Nuuradiin. Dabayaaqada sanadkan ayaa la filayaa inay Somaliya ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha iyo baarlamaanka Somaliya, iyadoo doorashada ilaa imika la isku mari laayahay qaabka iyo saami qaybsiga maamul goboleedyada dalka Somaliya oo qaar ka mid ahi diideen shirarkii madasha wadatashiga ee lagu qorsheynayay doorashada Somaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...