Waxaa la soo sameeyay isku aadka wareega saddexaad ee Leaque Cupka waxaana wareegan ku soo biiray dhamaan kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga. Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa xalay ka soo baxay wareegii labaad waxayna ka mid noqdeen kooxaha waa wayn ee sugayay in ay ogaadaan kooxaha ay ku dhici doonaan wareega saddexaad.
Wareega saddexaad ee Leaque Cupka waxaa ku tartama 32 kooxood wuxuuna fursad fiican u noqdaa kooxaha heerka hoose oo la ciyaaraha kooxaha Premier Leaque-ga iyada oo mararka qaar ay ka soo baxdo natiijo lama filaan ah. Wareega 3aad ama wareega 32da kooxood waxaa la ciyaarayaa isbuuca 19ka bisha September ee sannadkan.
Kooxda koobkan difaacanaysa ee Man City ayaa booqan doonta kooxda Premier Leaque-ga ee Swansea City halka Jose Mourinho iyo kooxdiisa Man United ay marti u noqon doonaan kooxda Northampton. Arsenal ayaa iyaduna ka badbaday kulan adag waxayna booqan doontaa kooxda Nottingham Forest .
Kulanka ugu adag ayaa ah kulanka ay Chelsea booqan doonto King Power Stadium iyada oo wajihi doonta kooxda koobka horyaalka haysata ee Leicester City . Liverpool ayaa iyaduna u u safri doonta kooxda Derby County laakiin waxaa cajiib ah in dhamaan kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-gu ay kala badbaadeen isla markaana ay dhamaantood wada marti noqon doonaan wareega saddexaad ee Leaque Cupka.
HALKAN KAGA BOGO ISKU AADKA WAREEGA SADDEXAAD EE LEAQUE CUPKA OO DHAMAYSTIRAN:
Nottingham Forest v Arsenal
Leeds United vs Blackburn Rovers
West Ham United vs Accrington Stanley
Queens Park Rangers vs Sunderland
Southampton vs Crystal Palace
Swansea City vs Manchester City
Fulham vs Bristol City
Bournemouth vs Preston North End
Tottenham Hotspur vs Gillingham
Everton vs Norwich City
Derby County vs Liverpool
Northampton vs Manchester United
Brighton vs Reading
Newcastle United vs Wolverhampton Wanderers
Stoke City vs Hull City
Leicester City vs Chelsea