Wasiir Mahdi Cismaan Buuri Oo Ka Sheekeeyey Sooyaal Ay Isla Soo Mareen Mid Ka Mid Ah Wasiirrada Cusub ee Golaha Xukuumadda Ku Soo Biiray+ Khudbad Ka Qoslisay Marti-sharafta oo uu Madasha Ka Jeediyey
“Wasiirka Cusubi Runtii Nin Galaan-Gal Badan Oo Sida Dhibica Roobka Kolba Dhinac Kaaga Imanaya Ayuu, Annaguna Wax Hoose Ayaanu Isku Nahay”
++++
“Annagu Mucaarid Ka Dabaallan Meynee Kolba Ka Kursiga Ku Fadhiya Ayaanu Sida XAaji CAbdi Waraabe Naqaannaa, Aakhirkiina Wasiiru-dawle Ayaan Noqday Isaguna Wasiir Buuxa Ayuu Ku Soo Booday”
Hargeysa (Wargane)- Wasiiru dawlaha wasaaradda biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri ayaa khudbad uu ka jeediyey madal ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka uu u magacaabay madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkii hore ee wasaaraddaas haatanna loo bedelay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaa uu ammaan iyo bogaadin kala dul dhacay wasiirka cusub ee xilka lagu wareejiyey oo ay maraaxil kala duwan isla soo mareen. WAsiir Mahdi Cismaan Buuri oo yaallaaba marka uu fagaarayaasha noocan oo kale ah ka khudbadayno aad uga qosliya dhegeystayaashiisa hadallo ka turjumaya badheedhaha mawduuca uu ka hadlayana ku ladha weedho sogor-doh iyo sarbeeb u badan ayaa ka sheekeeyey aqoon dheeraad ah oo uu sheegay in ay isu leeyihiin wasiirka cusub ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe isaga oo xusay dhacdooyin xusuustooda lahaa oo ay xilliyo kala duwan iyo duruufo waqtigooda lahaa isla soo qaateen.
Xafladda shalay ee xil wareejinta labada wasiir oo ay ka qayb galeen wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin ka socda goleyaasha qaranka, hawl-wadeennada iyo shaqaallada wasaaradda duulista hawada ayaa Wasiiru dawlaha biyaha oo kamid ahaa marti sharaftii halkaasi ka hadashay waxaa uu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee ku soo biiray golahooda xukuumadda isaga oo wasiirkii hore ee wasaaradda laga bedellayna Cumar Sheekh Maxamed Faarax ku tilmaamay in uu ahaa shakhsiga golaha wasiirrada ugu mudakarsan uguna miyirqabsanaa.
“Labadan wasiir ee aynu maanta xilka u kala wareejinayno ee Farxaan [Wasiirka cusub ee duulista] iyo Cumar [wasiirkii hore ee duulista], runtii Mid baanu wax hoose ayaanu isku nahay”. sidaa ayuu yidhi wasiiru dawlaha wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu isku nahay Jaar, Waxaa kale oo aanu isku ahayn xildhibaano dhacay oo labadayadu waanu dhacnay….Farxaan Aadan Heybe isaga oo aad u yar ayuu ahaan jiray adhiille oo uu adhiga dhoofin jiray waxaanu noqday ganacsade adhiga dhoofiya oo guuleystay, kadib waxaa uu la yimi damac siyaasadeed oo wuxuu ahaa xildhibaankii [musharraxii] noogu yaraa ee musharraxiintii degmada Gacan libaax ee UDUB [ee doorashadii golaha wakiillada 2005-kii] oo astaantiisu waxa ay ahaanjirtay kubbed. Markii aanu doorashadii dhacnay baa nimankii isaga doortay waxaa ay ku yidhaahdeen Farxaannoow Codkayagii waad iibsatay, ileyn nin ganacsade ah buu ahaaye waxaa ay is yidhaahdeen malaha waxoogaa buu jeebka ku shubtay, dabadeedna waxaa uu tegey TV-ga oo isaga oo degen buu si fiican u qanciyey nimankii doortay isaga oo u sheegay in aan ruuxa musharraxa ahi lahayn codka la siiyey ee uu xisbigu iska leeyahay oo sida loo kala badsaday codadku loogu siyaadin doono musharraxa kale si uu u soo baxo”. ayuu Wasiir Buuri yidhi. Dhinaca kale waxaa uu wasiiru dawluhu ka sheekeeyey maraaxil ay wasiirka cusub isla soo mareen xilligii xukuumaddii UDUB oo ay labadooduba kamid ahaayeen kaadiriinita xisbiga, markii dembena uu midkood xil wasiirnimo ka qabtay xukuumaddaas, waxaana Mahdi Cismaan Buuri mar uu ka sheekaynayay xilliyadii uu xisbigoodu saaxadda ka bixi doono iyo qorsheyaashii ay isku deyeen in ay ku bedbaadiyeen oo markii dembe suurtogeli waayay waxaa uu ydihi wasiirku “Mar kale xisbigii UDUB baanu isugu nimi si aanu u badbaadino, waxaanu ahayn aniga [Mahdi], isaga [Farxaan] iyo Axmed Yuusuf Yaasiin [Madaxweyne ku xigeenkii hore], in badan baanu isku daynay inaanu bedbaadino xisbiga, laakiin si uu u burburayba markii dembe [UDUB] waa uu iska burburay, kolkaas kadib dee nin faraha dhigaya maaha’e Farxaan waxaa uu u wareegay GAVO [Mid kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland], NGO-gan oo uu isagu aasaasay waxaa uu ahaa mid caawiya dadka dhimirka wax ka qaba ee ku jira cusbitaalka Berbera, xilligaas aniguna waxaan noqday wasiir ku xigeenkii wasaaradda caafimaadka oo halkaasna wada shaqayn baa nagu dhex martay. runtii nin galaangal badan buu ahaa oo sida roobka dhinac walba kaaga imanaya, kolkaas waxaan arkaa anigoo wax saxeexaya, markaasuu Cabdi Heybe [Wasiirkii Caafimaadka ee UDUB] igu yidhi yarka ma wax baa idinka dhexeeya, dabadeed anna waxaan ku idhaahdee mayee dee inanku miyaanu reer New Hargeysa ahayn, dee adeer baan u ahay”. “Dabadeedto haddana waanu ka soo gudubnay oo waxaanu isugu nimi KULMIYE oo waxaanu nidhi waar dee waxaynu ahayn xisbul xaakim oo mucaarid ka dabaallan maynee kolba kaas kursiga ku fadhiya ayaynu sida xaaji Cabdi WAraabe Naqaannaa, markaas dee dhalinyarada aan anigu ugu weynnahay, iyo odayaasha aan ugu yarahay waxaanu isla garanay inaanu xisbul xaakimkaas iska ag joogno, aakhirkiina anigu xukuumadda KULMIYE Wasiiru dawle ayaan ka noqday isaguna waa kaas wasiirka buuxa ku soo booday”. ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaarada biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri.