Xukuumadda Wada-hadalladii Khaatumo ka dib, dardar galisay Siyaasadda Gobolada bariga Somaliland
Laascaanood 22 August, 2016 –(Wargane)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maalintii Afraad ku sugan Gobollada Togdheer, Sool iyo Saraar.
Madaxwayne Axmed-Siilaanyo, waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dhaqan ee Gobolka Sool, kuwaasi oo in muddo ah ka cabanayay habka saami qaybsiga ee Dawladda Somaliland.
Madaxwaynuhu, waxaa uu Madax-dhaqameedka Gobolka Sool u caddeeyay inaan Somaliland si xaq ah xilalka loogu sinayn, balse loo baahan yahay in dib looga heshiiyo isla-markaana shirar kale oo lagu tashanayo bisha October la iskugu yimaaddo Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, si dadka deegaanada Bariga Somaliland deggan loo siiyo saamiga ay ku leeyihiin Somaliland.
Madaxda Dhaqanka Beelaha deggan gobollada Sool iyo Buuhoodle ayaa soo dhaweyn balaadhan u sameeyay Madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisa iyagoo ka aqbalay baaqa uu Madaxwaynuhu u diray shacabkaasi.
Madaxwayne Siilaanyo oo ka faa’ideysanaya wada-hadalladii ay ku baaqeen kooxda Khaatumo ayaa gobollada Barri u booqday dardargalinta siyaasadda xukuummadiisa iyo dadka deegaanadaasi laga dhaadhiciyo jiritaanka Somaliland.
Madaxwaynaha Somaliland, waxaa safarkiisa ku wehelinayay inta badan Wasiirrada Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo hoggaanka xisbiga Kulmiye, waxaana la sheegayaa in Madaxwaynaha iyo Waftigiisani ay Gobollada Bariga u tageen sidii ay usoo ogaan lahaayeen tabashooyinka beelaha ku dhaqan deegaamadaasi.
Madaxwaynaha Somaliland oo Burco ku sugnaa Habeen hore isla-markaana Shalay ku soo laabtay Hargeysa, ayaa isku shaandheyntiisii u dambaysay Wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay Siyaasi Faratoon oo kasoo jeeda Gobolka Sool waxaana si wayn u soo dhaweeyay dadwaynaha deegaanadaasi ku nool, iyagoo sheegay in xukuummada Somaliland xil miisaan leh u magacowday Beelaha Gobolada Bari.
Tan iyo markii kooxda Khaatumo ay sheegtay inay wada hadal la furayso Somaliland ayaa waxaa fursadaasi ka faa’ideysanaya xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwayne Siilaanyo taasi oo dardar galisay shaqooyinkii ay dawladdu ka waday Gobollada Bariga Somaliland.
Warganenews.com